Ma xasuusataaan Forserum? Waa tuuladii ay Soomaalidu isaga qaxeen

Weerarada lagu haayo jaaliyadaha Soomaalida ee ka dhisan Sweden ayaa cirka isku shareeray bilihii la soo dhaafay, iyadoo dhowr jaaliyadood oo Soomaalidu ku leeyihiin degmooyinka Sweden la weeraray qaarkoodna dab la qabadsiiyay. Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday tuulada Forserum oo ka tirsan degmada Nässjö halkaasoo dhagaxaan lagu weeraray xafiiska jaaliyada Soomaalida ay halkaasi ku leeyihiin.

Tuulada Forserum haddii aad xasuusataan ayaa sanadkii 2012 waxay caan ka noqotay Sweden ka dib markii Soomaalida ku nool halkaasi ay go’aansadeen in ay isaga guuraan cabsi darteed, kuwii ku harayna ay caruurtooda iskuulada u diri waayeen, taasoo keentay in saxaafada Sweden ay si weyn wax uga qorto oo ugu dambeyntii xitaa ay booqdeen siyaasiyiin caan ah. Dadka tuulada ku nool ayaa xitaa dhigay dibadbaxyo lagu taageerayo Soomaalida. Balse waxaa muuqata in hada cabsidii ay dib ugu soo noqotay Soomaalida.

Mohamed Diiriye oo ka tirsan jaaliyada Forserum ayaa warbaahinta u sheegay in ay soo mareen labo sano oo wanaagsan balse hada ay xaalada sii xumaatay.

Dhinaca kale, waxaa isbuucii hore la weeraray jaaliyada Soomaalida ee tuulada Skillingaryd oo ka tirsan gobolka Jönköping. Bishii December ayaa sidoo kale la gubay masaajida Eskilstuna oo ay leeyihiin jaaliyada Soomaalida. Weerarada lagu haayo jaaliyadaha Soomaalida ayaa soo badanaya, iyadoo aysan muuqan hoos u dhac maadaam naceybka ka dhanka ah Muslimiinta uu ku soo badanayo guud ahaan qaarada Yurub.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. ABdi says:

    ASc walaalow maqalkaan intee ka soo xigatay, tulada akteyda aniga tagan Forserum dadka dagan waa wada aqana hal qofna kama guurin, ay umada ha bara kicin.. sixun wax u sheeg sixaroo waa ka daran yahay. marka hore wax iska hubso websida somaliada qof nool waa dhinta dhahaayo o kale ha noqonn jimcaalow.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

    • Jimcale says:

      Abdi haddii aadan adigu la socod taariikhda Forserum, ha nagu tilmaamin beenaale. Waxaan filayaa in aadan fiirin mowduucyada ka hooseeya qoraalka ee ka hadlaya taariikhda tuuladaan. Marka sxb wax hubso oo akhri mowduucyada kale. Anigu ma soo qoro waxaan la hubin oo aan dhicin. Mahadsanid.

      Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 3

  2. maxamud says:

    Somalida waxa loo colaadinaayo waxay tahay in ay aad ugu adag yihiin dhinaca diinta islaamka.maxaa yeelay kuwamooryaanta ah ee wax walba ku kaca xitaa hadii aad fiiriso ma oggola in wax laga sheego diinta islaamka.waxaa kaloo aan la qarin karin in jaaliyadaha kale ee ajaanibta ku nool sweden ay aad isugu xiran yihiin.hase yeeshee.soomaalida ceebta ugu xun oy leedahay waa in ay u kala qoqoban yihiin qabiil-qabiil waxaad maqlee jaaliyadda quracland iyo wax daran.ilaa ay isku xirmaana dhibka kama bixi doonaan.sababtoo ah dadka dhulkaan leh waa la socdaan dhaqanka ajaanibta lanool

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  3. abdulkadir says:

    ascww waxaaba hadlaya dadka tuulada dagan oo dhahaaya warkaa ma jiree nin yahoow illaahay ka cabso oo hubso warka aa qoraysid ani meesha ma joogo lkn bogaan ku xirnahay war been ah hanaga dhaadhicin dadkiiyaa qaar leeyihiin anaga joogna dhibna tuulada kama jirtee marka war la hubo soo qor

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. luul says:

    asc
    dhacdooyinkii hore ee xaafadaas ka dhacay wexey dheheen waxaa dhibka geystay dhalinyaro hadana ma sidiiyaa mase

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. abdulkadir says:

    jimcaale walaal hadalkaagii danbe oo jawaabbta ahaa ayaan qaatay inaadan been qorina waaan dareemay sorry qoraalkaygii warar badana waan kaa sugaynaa mahadsanid

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. abdi says:

    Jimcale sxb tulada wax ka qaxay malahan . dadkii dagana waa ay dagan yihiin. warkas meel ka keentya ma aqaano. hadaa rabto waxa ku soo qori karaa telfonada rag jaliyada u madax eh.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Nasri aka says:

    Wlahi wax kasta oo inagu dhaca inaga ayaa iskuugu wacan waayo wadankeenii ayaan dhisan weynay intay reer qudhay nacayeen ee ay reer jiridna la dagaalamayeen wataa gabigoodba layska weynasiinayo ilaahaw somaalida midee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. hassan says:

    Nasri dalkee ayaad sheegaysaa ma dalka. Bari hore dhintay swedentaada aamin dal lahayne calaacal looma baahna.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. osman says:

    Asc asxaabay idinka oo iskahadlina ma ogtihin in webkaan o wax kaqoro arimiha somalida swedan marka qalad maqori karyo o wadan dowlad leh ayu joogaa mida kale webkaan been kuma aqaan lkn dadka qaar aa iskecel in ay wax kasta dhaleceyaan webkaan waa web kahadla arimaha bulshada somalida swedan mahadsanid somaliska

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. fowsi abdilahi says:

    muslimiinta yurub ku nool siiba wadamada frence iyo sweden iwm, gaar ahaana somalida halkaas ku nool aad ayay ugu jiraan xaalada adag wxn xasuusta mar aan imid halkaas sweden siiba magaalo ayar oo la idhaahdo marriannlund oo ka tirsan nassjo inay police ku igu war galiyeen bari wax madow aha baanaanka uma soo bixi karan waayo xisbiga cunsiriga ayaa xafladku leh halkaas,,,,,,kala sooca midabka iyo diimaha waa wax caadi ka ah wadama badan sida 1:germany 2:sweden 3:denmark frence itali malta holland norway finland,,,,ilaahayow u gargaar adoomadaada wanaagsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0