Maalinta 1-da Juli oo si weyn looga xusay Sweden

22

Soomaalida ku nool magaalooyinka Sweden ayaa xaflado balaaran iyo damaashaadyo u qabtay soo dhaweynta maalinta xoriyada iyo midnimada Soomaalia. Waxaa iska soo daba dhacaya sawirada iyo dhacdooyinka ka dhacay magaalooyinka, iyadoo ay ugu horeyso magaalada Fagersta oo lagu qabtay xaflad wanaagsan oo ay ka soo qeyb galeen inta badan Soomaalida ku nool degmada iyo Swedishka.

Magaalada Växjö ayaa iyadana lagu qabtay xaflad balaaran oo lagu marti qaaday Swedishka iyo Soomaalida. Xafladaas oo qabanqaabadeeda ay ka qeyb qaateen xitaa ururo Swedish ah ayaa Soomaalida la siiyay dhul banaan oo lagu damaashaado isla markaana halkaa laga suray calanka Soomaaliya. Arintaas qaasatan ayaa ah mid la taaban karo iyadoo bandhig weyn laga suray calanka wadankeena.

Inkastoo ay xafladuhu si wanaagsan u dheceen ayaa cabashooyinka waxaa ka mid ahaa in Soomaalidu aysan ku imaan waqtigii xaflada la qaban lahaa, halka dadkii martida ahaa ee Swedishka ahaa ay Soomaalida kaga soo hor mareen xafladii wadankooda.

DAAWO SAWIRADA (Qaar kale dib ayaan uga soo dari doonaa)

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here