Maalinta beenta iyo balaayo abuurka!

1

Maanta oo taariikhdu tahay 1 April waa maalinta ay dad badan ugu yeeraan Maalinta beenta Aduunka. Waa maalin ay beentu caadi ka noqotay wadamo badan.

Qaasatan wadamada reer galbeedka ayay caadi ka tahay in maalintaan been laysku sheego ama asxaabta iyo familka lagu sameeyo qiyaanooyin qosol ah ama mararka qaar aan sidaa qosol u ahayn. Maalintaan ayaa dhacda in lagu yiraahdo maanta wax tareen ah ma socdaan ama iskuulkii waa fasax.

Taariikhda Maalintaan ayaa la sheegay in ay ka soo bilaabatay qarnigii 13 iyadoo aan laga hayn taariikh dhab ah oo ku aadan sida ay ku noqotay 1 April. Balse taaariikhda qaar ayaa sheegta in asalkii maalintaan laga abuuray wadanka Faransiiska.

Si kastaba ha ahaatee, Waa iska cadahay in beentu aysan habooneyn, Islaamkana ay xaaraamtahay in been laysku sheego. Sidaa darteed ayaysan Maalintaan ahayn mid ku haboon dhaqankeena. Balse xitaa waxaan arkay dadka Somalia jooga oo ku dhahaya maanta waa Maalintii BEENTA!!!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here