Maalinta qaranka Sweden

Maanta waa maalinta Qaranka Sweden (Sveriges nationaldag). Guud ahaan wadanka ayaa laga dhigayaa xaflado lagu maamuusayo maalintaan iyadoo soomaalida sweden ku dhaqan ay ka qeyb qaadanayaan. Magaalada Stockholm ayaa lagu qabanayaa xaflad loogu magacdaray Svensk-somalisk fest! oo ka dhacaysa Stockholms Stadsmuseum. Qoyska boqotooyada Sweden ayaa shacabka ku marti qaaday in ay soo booqdaan aqalkooda iyagoo ku maamuusaya maalinta.

Maalinta Qaranka Sweden ayaa si rasmi ah waxaa loo dhaqan galiyay sanadkii 1983 ka dib go’aan ka soo baxay baarlamaanka Sweden. Maalintaan ayaa waqtigaas ka hor waxaa loo yaqaanay Maalinta calanka Sweden (Svenska flaggans dag).

Dabaal daga maalintaan ayaa bilowday sanadkii 1916, iyadoo lagu maamuusayay doorashadii boqorkii Sweden Gustav Vasa sanadkii 1523, iyadoo tani loo arko aasaaskii Sweden.

Maalintaan ayaa la dhihi karaa waa maalinta xornimada Sweden maadaama lagu maamuuso sidoo kale markii Sweden ay ka baxday midnimadii loo yaqaanay Kalmarunionen waqtigaas oo Sweden ay hal wadan la ahayd Denmark.

Sanadkii 2005 ayaa Maalinta Qaranka Sweden si rasmi ah looga dhigay maalin fasax ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Hodan says:

    K k k k k wax ka hadlayo majiro malinta xornimada qadatay swidhan somalida wa cun suri hada wadankoday raban hada ma baranayan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Gulled says:

    Hodaney maxaad soomaalida ku haysataa Swedish-kaysanba qiima sidaas ah ugu fadhine. Magaalada aan ku noolahay maanta dhan wax u dabaaldagaya ma arkin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. To Hodan says:

    ASC dhamaan Somalida iyo Dadka Swedish ah ee fahma Af ka Somaliga iyo kuwa aan Fahmin ba hadii aan Somali nahey aad ayaan ugu faraxsanahey Sveriges nationaldag waana u dabaal degney tankale Gabadhan Hodan la baxdey waxaad ka hadashey kaliya garaad kaaga somalida mahan mid adiga kugu feker ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. siid cali says:

    ASC waxaa loo baahan yahay in aan ku dayano oo aan wadankeena iyo calankeena iyo taariiqdeena jeclaano
    gaar ahaan dhalinyarada waa ineey ku dadaalaan oo eey wax bartaan si eey berito dalkooda iyo dadkoodaba wax u taraan kuna dadaalaan diintooda iyo dhaqankooda salaadana yaan laga tagin ee ku dadaala waa mid idinka idiin anfici doonto aduun iyo aaqiraba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. alshabaab says:

    calankaas ay ku taallo iskutallaabta saliibiyiinta insha allaah gacanta muslimiinta ku nool halkaan baa baabi,neysa waxaana laga xusi doonaa halkaan maalmo islaamka taaariikhdiisa qiima ku leh sida dagaalkii beder, furashadii mecca furashada wilaayada islaamiga ah ee aldul soomaal. Iyo maalmo kale oo xiiso insha allaah dhamaan dumarka dalkaanna xijaab bey qaadan doonaan kitaabka allaah baana lagu dhaqi doonaa. Ribo, zino, xumaan oo dhanna waa la suulin doonaa. NB. Fadlan fakradaheyga wa fakrado islaami ah adigoo u xilanaayoo sanuuuda ceyrta ah ha u gafin allahaaga ku sameystey waana kuu dan waxaan sheegey. … Nabadi korkiina ha ahaato

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. yuusuf says:

    kkkkkkkkkkkkkk war kan al shabaab wato meesha ad kaso qortay o inter netka ah ina laso ogan karin ma umalesa ***[AFLAGAADADA WAA KA MAMNUUC]***

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0