Maanta waa maalinta Socdaalka aduunka

3

Maanta oo taariikhdu tahay 18 December ayaa Qaramada Midoobay u aqoonsatay migrationsverketmaalinta Socdaalka aduunka, maalintaan ayaa loogu tala galay in lagu soo bandhigo qisooyinka la xiriira soo galootiga iyo dhibaatooyinka ka haysta socdaalka.

Soomaalida ayaa qaasatan ah dad uu aad u saameeyay socdaalka, inagoo ilaa sanadkii 1990 ku jirnay socdaalka aan dhamaan oo kumanaan ay ku dhinteen tiro badana wali aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen. Soomaalida ayaa ku kala firirtay daafaha caalamka iyadoo ay maanta yartahay wadan aysan ku noolayn Soomaalidu.

Sanadkaan ayaa waxaa sidoo kale bilowday Socdaal cusub oo Soomaali badan ay dib ugu socdaalayaan wadankii hooyo. Qaar badan ayaa ku hungoobay socdaalkii ay ku yimaadeen Yurub iyo wadamada kale , iyagoo go’aansaday in dhulka hooyo wax dhaamaa uusan jirin.

Qofkasta oo naga midi ah Socdaalka si gooni ah ayuu u saameeyay, qaar ayaa doon u soo raacay oo naftooda qatar galiyay, qaar saxaraha ayay soo mareen, qaar diyaarad ayay soo raacaan oo hanti badan ku bixiyeen. Hadaba waxaan jeclaan lahaa in aan nagu biirisaan qisadaada socdaalka ee ku keentay Sweden iyo sida aad u aragto mustaqbalka Socdaalka Yurub?

Ku darso fikradaada..

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here