Maanta waa sanad guurada 2-aad ee Somaliska.com

64

Maanta waa sanad guurada labaad ee Somaliska.com – 22 April 2010 ayay ahayd markii aan aniga oo fadhiya jikada guri aan marti ku ahaa aan dareemay baahida loo qabo in la helo bogg casri ah oo wax ka qora nolosha Sweden.

Labo sano ka dib Somaliska.com waa bogga ugu caansan ee Soomaalida sweden ay ka akhristaan arimaha nolosha, socdaalka, shaqada iyo waxbarashada ee ku saabsan wadankaan. Somaliska ayaa noqday natiijada koowaad ee marka Somaliska laga raadiyo Google. Waxqabadka Somaliska.com ayaa waxaa aqoonsaday Soomaalida iyo Swedishka iyadoo marar badan laygu marti qaaday kulamada Swedishka si ay wax iiga waydiiyaan Soomaalida iyo sida ay ugu noolyihiin Sweden.

Somaliska ayaa dadka soo booqda waxay 80% ku noolyihiin Sweden iyaga oo ku kala nool in ka badan 300 oo magaalo. Bishii la soo dhaafay ayaa Somaliska.com waxaa soo booqatay dad ka badan 30,000 oo qof, kuwaasoo bogga  ku soo noqday 100,000 0o jeer. Ilaa iyo maalintii aan bilaabay Somaliska.com ayaa waxaa soo booqatay bogga 234,991 qof oo ku kala nool 146 wadan. Dadkaas ayaa bogga soo booqday 994,620 jeer. Waxay akhristeen  wararka Soomaaliska 3 milyan oo jeer ka badan.

Labadii sano ee boggu hawada ku jiray waxaan aniga iyo inta igala qeyb qaadata qornay 866 mowduuc. Akhristayaasha ayaa ka dhiibtay 9,151 fikradood.

Waxaa laga yaabaa dadka qaar in ay isdhahaan dad badan ma soo booqdaan Somaliska balse xaqiiqada ayaa ah in Sweden oo dhan ay ku noolyihiin qiyaastii 40,000 oo Soomaali ah kuwaasoo ay 30,000 bogga akhristaan bil kasta. Somaliska.com ayaan guud ahaan wax ka qoran arimaha siyaasada Soomaalida maadaama ay tahay arin qilaaf iyo kala qeyb sanaan ka dhex abuuraysa bulshada.

Aragtida Somaliska.com ayaa ah in Soomaalida Sweden ku nool ay isku duubnaadaan oo ay horumar ka gaaraan xaga nolosha korna u qaadaan magaca Soomaalida oo la dhihi karo waa mid aan wanaagsanayn.

Munaasada sanad guurada darteed ayaa 3 ka mid ah akhristayaasha waxay ku guuleysan doonaan koorsooyinka Teoriga iyo Svenska ee Somaliska Online Skolan. Waxaad qabsataa hal nambar oo u dhexeeya 1-50. Dadka ku guuleysta aniga ayaa E-mail kula soo xiriiri doona.

HAMBALYO AYAAN IDIN LEEYAHAY INTA KU XIRAN SOMALISKA.COM

Dhamaantiin waad ku mahadsantihiin hambalyada aad noo soo dirteen. Nambarada lagu guuleysanayay waa 13, 36 iyo 47. Dadka ugu horeeya ee qabsada nambaradaas ayaan email u diri doonaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here