Maanta waa sanadguuradii sadexaad ee Somaliska

22

Sadex sano ayaa ka soo wareegtay maalintii aan aasasay boggaan Somaliska.com oo noqday mid indhaha u fura Soomaali badanSanaguurada 2-aad oo ku nool Sweden. Sababta ka dambeysay abuurista Somaliska ayaa ahayd in aan dareemay baahida ay Soomaalida Sweden u qabaan in ay helaan goob ay kala socdaan dhacdooyinka wadanka isla markaana ay ku wada xiriiraan.

Ujeedadii loo abuuray Somaliska ayaan ku faraxsanahay in la gaaray iyadoo maanta ay Soomaalida Sweden ku nool 80% akhristaan boggaan. Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee Somaliska uu qoray ayaa waxaa ka mid ahaa arimaha la xiriira mideynta qoysaska Soomaalida oo aan dadaal dheer u galnay. Arintaas ayaa inta badan lagu guuleystay inkastoo ay wali jiraan xayiraado. Waxaan sidoo kale si firfircoon u soo bandhignay cunsuriyada lagu hayo Muslimiinta Sweden iyo dagaalka lagula jiro Islaamka.

Waxaan  dhaliilo u soo jeediyay caadooyinka Somalida oo aan isku dayay marar badan in aan ka dhex abuuro dood ku saabsan arimaha bulshada iyo dhaqanka kuwaasoo eedeymo badan ay u soo jeediyaan umadaha kale. Akhristayaasha bogga ayaa si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha iyagoo qaar badan fikrado muhiim ah ku darsaday halka qaarkalena ay kaga faaideysteen in ay jawaabo u helaan su’aalahooda.

Ugu dambentii ayaan isbuucyadii la soo dhaafay waxaan  bogga ku soo kordhiyay qeyb ay si toos ah akhristayaasha ugu qori karaan mowduucyada iyo suaalaha ay hayaan. Qeybtaan ayaan idinku dhiiri galinayaa in aad si firfircoon uga qeyb qaadataan si boggu uu u noqdo mid bulshada oo dhan ay qeyb ka qaadato.

Waxaan akhristayaasha bogga sida tooska ah ugu xiran u soo jeedinayaa hambalyo iyo mahadnaq ku aadan taageeradooda joogtada ah.

Jimcale

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here