Macalimad “madoow” oo lagu amray in ay fasalka ka baxdo

2

Gabar macalinimo ka barata jaamacada Malmö oo tababar u joogtay iskuulka ku yaala gobolka magaalada ayaa lagu amray in ay fasalka ka baxdo maadaama ardadu ay ka sheekeysanayaan filim ka hadlaya dadka “madoow”.

Macalinka ka masuulka ah fasalka ayaa gabadha u sheegtay in ay dibada u baxdo inta ardadu ka sheekeysanayaan filimka, maadaama haddii ay fasalka ku jidho laga yaabo in ardadu aysan fikirkooda si cad u muujin. Arintaan ayaa ka careysiisay gabadha madoow iyadoo dacwad u gudbisay Hay’ada la dagaalanka cunsuriyada (Diskrimineringsombudsmannen – DO).

“Waxa keliya ee fasalka la iiga saaray waa in aan ahay qof madoow” ayay tiri Hosana Hadgu oo ah macalimada la cunsuriyeeyay. 

Maamulka iskuulka ayaa sheegay in ay macalinka la hadleen isla markaana ay sugayaan go’aanka dacwada laga gudbiyay iskuulka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here