Macalimiin la’aanta luuqada Soomaaliga

5

Kamuuno badan ayaa ka cabanaya in ay la’yihiin macalimiin bari karta luuqada Soomaaliga. Magaalada Trollhättan ayaa ka mid ah goobaha ay ka taagan tahay dhibaatada helitaanka macalimiinta luuqada Soomaaliga.

“Waxaa dhibaato naga haysataa sidaan u heli lahayn macalimiin aqoon leh oo ku hadli karta Swedishka iyo Soomaaliga” ayay tiri Elisabeth Eriksson oo qaabilsan arimaha luuqada hooyo.

Kamuunka Trollhättan ayaa sheegay in ay si ay ku helaan macalimiin Soomaali ah ay codsigooda u bandhigaan bulshada Soomaalida kuwaasoo ayaguna soo bandhiga cidii ay isleeyihiin way ka bixikaran hawshaan. Taas ayaa dhalisa in macalimiin aan sharciyaysneyn balse aqoon leh ay ardada wax baraan.

Sharciga dalka ayaa faraya in Kamuunada laga doonayo in ay haddii 5 arday dooneyso luuqadooda hooyo, ay qasab ku tahay kamuunka in ay macalin u qabtaan.

“Haddii aan heli karno macalimiin aqoon leh balse aan sharciyaysneyn xitaa wax tar ayay leedahay” ayay hadalkeeda ku soo afjartay Elisabeth Eriksson

Sveriges Radio

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here