Macalimiinta oo loo fasaxay in ay mamnuuci karaan Niqaabka

Hay’ada maamusha iskuulada (Skolverket) ayaa soo saartay go’aan u fasaxaya macalimiinta in ay iskuulka ka mamnuucaan ardada xiran niqaabka wajiga daboolaya ee ay xirtaan qaar ka mid ah gabdhaha Muslimiinta.

Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii sanadkii 2009 ay labo gabdood dacwad ka gudbiyeen iskuul ku yaala xaafada Spånga ee Stockholm kuwaasoo loo diiday in ay iskuulka dhigtaan ka dibna Xeer ilaaliyaha cunsuriyada (DO) uu xukmiyay in gabdhahaas la cunsuriyeeyay. Waqtigaas ka dib ayaa Skolverket waxay bilaabeen in ay dib u eegeeyaan sharciga u yaala ee ku saabsan Niqaabka.

Xukunka cusub ayaa macalimiinta siinaya awooda ay ku go’aaminayaan in ardaygu niqaab xiran karo iyo in kale. Si kastaba ahaatee, macalimiinta ayaan awood u yeelan doonin in ay guud ahaan ardayga ka mamnuucaan iskuulka balse waxay sameyn karaan oo keliya in ay ka mamnuucaan fasalkooda.

Wasiirka waxbarashada Sweden Jan Björklund ayaa soo dhaweeyay go’aanka cusub isagoo sheegay in iskuulku uu yahay meel dadku ku wada xiriiraan oo wax la kala faaideysto isla markaana haddii ardaygu wajiga daboosho uusan ka qeyb qaadan karin xiriirka.

Hayada Skolverket ayaa sheegtay in ay muhiimtahay in la xushmeeyo xaqa ardadu ay u leeyihiin iskuulka sidaa darteedna aysan macalimiintu si fudud u isticmaali doonin sharcigaan. Sharciga cusub ayaa qaban doona goobaha waxbarashada dadka waaweyn iyo dugsiyada sare.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa’idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su’aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa’ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. Axyaa Wadani says:

    Waa musiibadeeda , maxaa yeelay Berina waxaa ku xigi doonta gebi ahaantiisa mamnuuc ah , waxaana kusii xigi doonta Xijaabka yaan fasalka lagu dhigan , isagaana mamnuuca waa kusii xigtaa

    Allaah ayaan uga baryaynaa in Gabdhaha Muslimaadka ah ee Xijaabkooda+Niqaabkooda ku dhegan Iimaan ugu Siyaadiyo.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  2. salman says:

    a s c waxan idinkula tali laha walalaha musliminta e dumarka wa imtixan e ha ka yelina galada hadalkas ka so yere ku siman mayan wa sida walal ken hore u shege o ah in ay oran karan xijabka wa mamnuc

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  3. Many says:

    Mugulaal mininkeeda joogto miciyo libaax ayay laydahay marka ananga ayaa soodoonanay dhibwaliba ooxageena ah ama xaga muslinimo laguhayo marka marabsho ayaan katalinaa mise xalagalaa jiro yana ladhihin haga yelina wixii xaqa jid wanagsan haloomaro ayaa kutalinayaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. Mohsen Afgooye says:

    SCW Ikhwati fil islaam gaalada marka ee kudoodayaaan xaqa ardaygu leyahay waa in la dhowraa.
    xaqa ladhoorayo waxaa ka mid ah qof xuriyadiisa in lafara gashanin.
    maxay ugu hadli wayeen gabdhahooda oo sii foosha xun wajiga, dhakta, iyo dhagaha birar waaweeyn ku soo toshta xitaa taas waa in ee dhooraan xaqa ardayda kale waayo waxaa jira arday kacabsada markii qof bani aadam ah sidaa isku soo sheneyay naclatulaah caleyhim kuligooda yar ilaa weeyn.
    yaan laga raali noqon waxa ee doonayaan dinta halagu istaagnaado cida isku daydane in ee ku xad gudubta gabar muslimad oo sidata niqaab arintaas waxay ´fasireesaa in anan xuriyad kajirin halkaan marka halkaan waxaan waana ugu soo jedinayaa gabdhaha walalahega ah in ee cabsida allah kaweynaado gaal xun oo bashar ah go’aanka soo saaray.
    Ma go’ankii alle ayaa tirtireesaa oo aad qadanesaa gu’aan uu soo saaray bshar xun oo allah abuuray.
    kafikir arintaas adiga ayay kuu taalaa. asabru calal adaa fiih Isbirii wax tasibii Scw

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. Khadija says:

    Walaalahayga somaliska ku xiranow waxan rabaa in la iga jaahil bixiyo in gabadhaha muslimaadka ah ay wejiga xirtaan ma waajib baa oo diintaa na faraysa mise waa dhaqan carbeed?. Haddii ay jawaabtu haa tahay maxaa wejiga loo furaa marka salaada la tukanayo oo Ilaahay wejigiisa la taagan yahay?. Labadaan arrimood in la’iga jaahil bixiyaan u baahnahay adinkoo mahadsan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. Mohsen says:

    Scw walasheda khadija niqabka dhaqan carbeed ma ahan ee waa diin.
    Marka suasha 2aad marka aad alle hortagantahay waa mar salaada gurigaada ku dukaneso uu san nin ajnabi ku arkenin ama masjid hadaa kutukaneso oo qeyb o goan nagaha.
    Niqaabka waa wajib kawadha muslimada alle ku wajibiyay
    niqabka macnihisa waa in aad iska asturtaa raga ajnabiga kala tihiin ama gurigada hadaa rabtid tintaada oo furan ayadeda joogi kartaa iska saa waji in aad xerato wabilaahi towfiiq scw

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. abbe says:

    Asc Mohsen walaal mahadsanid sida aad gabarta suaasheyda uga jawaabti laakiin Aniga waxaan ka raba meesha eey qur aanka uga jirto niqaaamka waa waajib fadlan ii sheek aayada ku soo dagtey adigoo raali ah ..Xijaabka waa waajib ee fadlan ii sheek meesha eey ku qoran tahey wajiga waa cowro waa qasab in la dada aayada qur aan ah ayaan ka raba daliinka fadlan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Lil messi. says:

    Wan idin salamay dhamanti dhamantin akhristayasha webkan. Hadan u so daadago mowduca laga doodayo. Ani fikirkayga dhib uma arko hadi niqaabka lamamnuco sababto ah adigon niqab sidanin bad diintada ku dhaganankarta cibadaysan karta o ad noqon karta qof muslim ah o khaalis ah.mida kale wajiga cowro mahan. Qofkuna hadu waji xiranyahay ma dhexgali karo bulshoyinka. Marka yan la isku khaldin niqaabka iyo diinta.ayantan i knw ayantan waxa sobaxay dad diinta an waxbo ka aqon hadana isku haysto in ay din yaqanan wa khatar hala iska ilaliya midas. Wabilahi towfiq.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. dajiyya says:

    waan idin salamay dhamaan muslimiinta waxaan ka odhan lahaa sheekadan diintu waa qalbiga iyo niyada niqaankuna waxuu lasocday oo lajaanqaday alshabaab waasax macalimiintu say wax ugu dhigayaan qof aanay aqoon waar tiin tu waa niyada ina acmaali biniyaati

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Axyaa Wadani says:

    Walaalayaal , Niqaabku Diinta ayuu ka mid yahay , 4 ta madhab 2 waxay qabtaa waa Suno , 2 da kalena waxay qabtaa waa Waajib .

    Waa Waajib iyo Waa Suno ayay 4 tii Imaam ku tageen , adinkana Caamo adinkoo ah ayaa waxaad leehidiinw aa kadaa waa fulaa , Alle ka baqa waxa , Haddii wuxu Diinta salka la galaan uga hara Culumada
    .

    Yarka LIL MISSE wata ee Niqaabka dhahaa dhib uma arko , in la mamnuuco , sida aad magacii waaridkaa kuu baxshay uga tagtay ayaa Niqaabkana uga tagtay , waxaan leeya Gaal la baxay magac Muslim lama arag maxaa Magacyada Gaalada idiin saariayay ?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  11. Samsam says:

    Diinta islaamka ayey dadkaan jihaad kula jiraan.Ilaahy ba already ino sheegay oo yedhi labadiina dab yaaney isku muuqan gaal iyo muslin markaad kala tihiin inaguna wayba so dhex dagnay.Gaalna waligi ku aqbali maayo ilaa aad ka mid noqotid.Maka walaayal wadankan inagu ma lihin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Abshir says:

    Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in la xanibay, fikirkeeyga xur ayaan u ahay, waxa la diiday ma ahan xijaabka ee waxaa waaye geedka ninjaha camal ama indho shareer sida loo yaqaanba. dadka qalqal ayaa ku beerma marki ruux indhaha kaa dayaya kaa soo hor baxo, macalinka wax ku baraya wuxuu doonayaa inuu arkaa wejigaada, taas ma ceeb baa? amase hadii aad adigu tahay macalin ardeyga aad wax bareeyso wuxuu doonayaa inuu arko wejigaada! iiduna ma ceeb baa?.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Najmo says:

    asc wey dhib badantahay wadan aan wadankada ahen waa daren ku jog aya la dhahay wana ka xumahay gabdhaha musliminta in loo dido niqaabka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. shariif xasan says:

    asc walalayaal waxaad umoodaa inaynu wax badan isku laaqnay. Waa run oo gaalo marna wanaag inama jeclo laakiin taas ma waxaa ka dhalanayaa wax kastoo oo ay diidan waa khayr? Miisan sax ah ma aha. Niqaabku hore ayay culimadu iskugu khilaaftay waajibnimadiisaa markaa taas ka hadli maayo laakiin waxaa fiicnaan lahaa in aynu kawada hadalno fiqil-aqaliyaat… yacni dadka laga badan yahay amba dowlad aan islaam ahayn ku hoos nool siday gaaladda ula tacaamulilahaayeen. Way ficnaan lahayd in mar sheekh diintana yaqaan ,wadciga muslimiinta ku nool dhulalka gaaladda wax ka og in TV la keeno oo sii wacan u kala dhigo oo masaa’isha si daqiiq ah u taabto.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Lajecel says:

    Waa sax in lamamnuuco INDHASHAREERKA hadaa nahay gabdhaha islaamka waxaa nogu filan xijaabka. Wa a in aan is asturnaa aan XIJAAB xiranaa, sida xijaabka iskudeska ah ama cabaayad iyo xijaab, qamaar med mera. Indhashareerka waan SUNO. Qasabwaaye in qofta wajigeeda la,arki karo meshaan waxaa shaqenaayo “””””””””””””legitimation “””””””””””””””””””””” waa qasab in aad wajigaga lafiiro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0