Macalin la’aan haysata luuqada Af-Soomaaliga

Degmooyinka Sweden ayaa cabasho ka muujiyay macalin la’aanta luuqada Af-Soomaaliga. Caruurta Soomaalida ayaa xaq u leh in la baro luuqadooda hooyo taasoo ah masuuliyad ka saarantahay degmooyinka sweden balse macalimiin Soomaali ah ayaan lahayn sida lagu soo bandhigay warbixin ay ururisay idaacada SR.

Inkastoo ay jiraan luuqado kale oo iyaga laftooad macalin la’aan ay jidho ayaa Af-Soomaaliga lagu sheegay tan ugu dhibka badan. Macalimiinta la raadinayo ayaa ah kuwo aqoon jaamacadeed leh balse kamuunada ayaa sheegay in Af-Soomaliga aysan xitaa u hayn kuwo aan jaamacad gaarin. Kamuunka Karlstad ayaa ka mid ah goobaha ay cabashada ugu badan ka timid.

Jaamacada Göteborg ayaa hada bilaabaysa koorso Af-Soomaali ah oo ilaa 40 qof ay iska diiwaan galiyeen.

“Waxaa jidha baahi weyn oo loo qabo macalimiinta Af-Soomaaliga maadaama aysan hore u jirin koorso lagu barto luuqadaan” ayuu yiri Morgan Nilsson oo jaamacada Göteborg u qaabilsan af-Soomaaliga.

Dhibaatada kamuunada ka haysata macalimiinta Soomaalida, ayaa saamayn toos ah ku yeelanysa caruurta Soomaalida ee aan heli doonin cid barta luuqadooda, taasoo ay xaq u leeyihiin sida uu dhigayo sharciga wadanka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. sulman says:

    Waxaan ahay wiil reer Somaliland ah dhawaan ayaan imi dalka oo LA midoobay qoyskayga’ cilmiga waxaan ka gaadhay Master Engineering ah oo waxaan wax kusoo Bartay Dalka Uganda’ waxaanan diyaar u ah in aan luuqdaas af somaliga Bare ka noqdo oo soo nooleeyo afkii somaliga waxaynan u geeyay CV gayga wayna I aqbaleen in jaamacada Gotenborg wax ka dhigo sidoo kalena aan dhigo Culuumta. Scienceka waxaana il a shaqaynaya wiil English iyo AF swedeshka yaqaano oo IGA caawinaya afka localka ah ama gudaha looga hadlo. Markaas waxaa loo baahanayahay in aan is Muujino. Fadhiga inooma fiicna

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  2. ASC.WIIL SOMALILAND CINWAANKE SIFIICAN U AQRI MARKAAS KADIB QOR RAYIGAADE LAKIIN ADOON SIFIICAN U AQRIN AYAA WAX SOO QORTAY !! WAXAA LUGU YIRI SOMALI EE LUGUMADHIHIN SOMALILAND SEEWAAYE ADIGE ILLEEN MARKII SOMALILAND LADHAHO WAXAAD ISKADHIGTAY OO AAD AAMINSANTAHAY INAADAN SOMALI AHYN HADANE WAXAA RABTAA MAGACII SOMALIYEED INAAD KU SHAQEYSATID MARKE SOMALI AYAAN AHAY KU EKAW MARKE XAQ BAA ULEEDAHAY OO LUGUUMA DIIDIKARO INAAD AF SOMALIGE AAD KU SHAQEYSATID LAAKIIN ARDADAADE MARKAAD WAX U DHIGEYSID MAWAXAAD LEEDAHAY SOMALILAND BAAN KA IMID MASE? TANKALE ARDADA QAAR AAD UBADAN AYAAN GARANAYN IN MAGACAAS UU JIRO MARKE WAA WAREER ..

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  3. Bosaso says:

    walee Somali waa isku yabantahay Wiilka Somali waa somali wata adigu ma wax ayaad saxaysaa mise wax ayaad sii kala fogeynaysaaa walahi waa yaab Waxaa loo bahanyahay Somaliga aqoon badan u leh taas macanaheedu waa qof somali ah oo aqoon jamacdeed uga baxay luuqada somaliga wuxuu kaas noqon karaa qofksta oo somali ah , Somalina waa qofksta oo ku hadla afsomali haku noolaado hargaysa ama Djibouti ama garisa blse adigu somali waxad utaqaan dadka muqdisho degan taasna waa maangaabnimo kugu eg adiga siyaasadu waa meesheedu blse somalinimadu waa qomiyad iyo af ka dhaxeeya dadka ku hadla afkaas

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  4. Mustafe says:

    Bosaso sxb waad LA yaabaysaa Somalida qaar’ kan badowga ah ee intuu miyi kasoo Tahriibay dadka u jawaabaya eeg bal intuu afar xaraf oo qoraalka somaliga ah Ku bartay baraha internetka deetana is moodaya nin waxggaranay’ AF Somali wuxuu mooganyahay in lagaga hadlo meel kastoo Somali dagto ha ahaa DJabout ha ahaato kilalka shanaad ee Ethiopia ha ahaato garisa oo Kenya ah. Wuxuu moodayaa in afka somaligu Ku koobanyahay oo LA dhaho Mogadisho’ kan waa jaahil aan laga jaahilsanayn.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. Ahmed says:

    Asc qaladka waxaa leh ninka marka somali arinkeeda laga hadlayo la soo bodaayo snm ama dirta waqooyi wax iskul fal adunka luqad walba dal aa ka mas ul ah 2 ama 3 wadan mawada yelan karan luqada waa soomali dalku waa soomalia wixii kale waa seeyn xoolad

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. nabaddoon somali says:

    asc waxaa qaldan ninka sheeganaya somaliland war yaa adiga ku weydiiyay somali iyo somaliland waxaa meesha lagu soo qoray macalin af somali yaqaan waxaa taas kasii daran kan la baxay bosaso iyo kan la baxay mustafe intii ey sixi lahayn ayey qalad kusii saxayaan waxaa loo bahanyahay macalin somaliyeed ee looma bahna macalin somaliland

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Abdi says:

    Sulman, aad baan kuugu hambalyaynayaa dedaalkaaga iyo guubaabadaasba. Halkaana kasii wad. slm

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Abdi says:

    Dadka cuqdadaysani haka faa’iidaystaan Sulman. Wax xun muu sheegin ee ka faa’iidaysta.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0