Macluumaad ku saabsan sharciga Dublin iyo dadka faraha leh

Isbuucii hore waxaan kulan la yeeshay Lena Rösell oo ah khabiir arimaha socdaalka u qaabilsan ururka Sociala missionen. migrationsverket-Lenna oo aan ka wadahadalnay arimo badan ayaa qaasatan si balaaran iigu sharaxtay qaabka uu u shaqeeyo sharciga Dublin iyo qaasatan arimaha ku saabsan dadka faraha leh.

Waxay ii soo bandhigtay maclumaad badan oo ku saabsan dad Soomaali u badan oo ay ka caawiso arimahaan, dadkaas ayaa ah kuwo wadanka ku cusub oo u baahan faahfaahin ku saabsan faraha iyo shariciga loo yaqaan 18-bilood oo ku saabsan in qofku uu dhuumaalaaysi ku joogo wadanka 18 bilood ka dibna uu iska dhiibo wadanka.

Arinta muhiimka ah ee ay ii faahfaahisay ayaa ah sida lagu ogaado xiliga ay qofka u bilaabanayso 18-ka bilood. Maadaama aysan  Laanta Socdaalka dadka u cadeyn arintaas isla markaana ay dad badan ku qaldaan in ay ka bilaabanayso xiliga qofku iska dhiibay ayaa Lena waxay dadka ka caawisaa sidii ay ku ogaan lahaayeen taariikhda muhiimka ah ee sheegaysa xiliga qofka ay u  bilaabatay 18 bilood. Si arintaas ay dadka uga caawiso ayay iyada oo ku halaysa magaca qofka waxay codsi u dirtaa Laanta Socdaalka oo ay ka dalbato in ay u soo diraan kiiska qofka iyo qaasatan warqad cadeynaysa in qofka uu Dublin yahay.

Warqadaas ayaa waxaa ku qoran taariikh loo yaqaan “Accept Date” oo cadeynaysa taariikhda jawaabta Sweden ay ka heshay wadankii uu qofku faraha ku lahaa. Taariikhdaas ayaa ah mida ay ka bilaabanayso 18ka bilood. Haddii  aysan soo jawaabin wadankii qofka uu faraha ku lahaa ayaa Laanta Socdaalka waxay uga bilaaban qofka 18 bilood 2 isbuuc ka dib markii ay la xiriireen wadankii faraha. Sidoo kale taariikhdaan ayaa laga akhrin karaa warqadaha badan ee qofka loogu soo jawaabo go’aanka ku saabsan kiiskiisa.

Lena ayaa sidoo kale ii soo bandhigtay in aysan Soomaalidu u baahnayn in ay iyada la xiriiraan si arimahaan ay u ogaadaan, waxay sheegtay in ay aad u mashquushay oo aysan hada ka dib u suurto gali karin in dadka oo dhan ay caawiso. Balse waxay soo diyaarisay warqado ay isticmaali karaan qofka doonaya in uu kiiskiisa wax ka ogaado, warqadaan ayaad buuxinaysaa ka dibna waxaa loo dirayaa Laanta Socdaalka. Hoos ayaad ka heli kartaa warqadaha..

Warqada ay ku taalo “Mall Brev” ayaad ku qoraysaa macluumaadkaaga ka dibna waxaad u diraysaa Adreeska ku qoran. Warqada kale waxaa ku qoran macluumaad ku saabsan sida loo ogaado taariikhda ay kuu bilaabatay 18 bilood.

 

Mall brev

begära kopior på dina handlingar

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. Soomaali says:

    Axsanta Jazaaka Allahu walaal , Kheyt badan Allaha ku siiyo. adiga iyo kuwa ay arintan khuseysaba dhamaan Culeyska Allaha inaga wada Qaado , Samar iyo Xasanaat Allaha inagu wada bedalo.

    Walaal walbo lab iyo dhedig ba waxaan ugu naseexeynayaa Samar iyo waqtiga oo laga faa’ideysto.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  2. baariyoo says:

    walaal waad mahadsan tahay ee waxaan rabaa inaan ku weeydiyo arrinkan ma waxaa khuseysa Sweden oo keliya mise inta ku bahoobay ururka EU

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

    • sumayo says:

      ninba meel baa udarane ,akhyaarta arinki 2da sano wax akhbaar ah yaa kahayo.

      Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 3 Thumb down 7

      • wadnaqabad1 says:

        Haa aqbaar aad umacqulsan aankaga haya lknse comment makusokopikari ee qofkiidanenaya ha igalasoxeriro Skype wadnaqabad1. Ha ilowim inaadmeseg iisoqorto saan dadka kaga aqonsado

        U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. ifka says:

    salamucalikub dhaman aqyaarta sharafta mudan manta waxan war fiican u haaya dadkii labada sano waayo hada wakhtii badan aya ka sowaraagtay intii labilaway didmada ee waxan idin sheegaya makaxmada aya aniga shalay ogalasho ii sodirtay marka malaga yaba in magareeshiinkuna ii ogalado ?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

    • Sihaam says:

      Ifka abaayo waa tee maxkamada adoo mahadsan ii sheeg . wcs waadna mahadsantahay

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. ifka says:

    abaayo wa tan ku taala Göteborg

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • hanad says:

      ifka war farxad leh shegaysaa masha allaah aad baa ugu farxay runtii ilahay inteena kalehna ha inoga so sahlo hadi mar maxkmada ku ogalatay kuma diidayaan walaal

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. wadnaqabad1 says:

    Si fudud ku ogaaw waqtiga aad dib iskudhiibesid hadaa tahay qof tirsanaaya18 bil 0104851777 waa office uqaabilsan controldublin Sweden waa inward eng Kula hadashaa si ay maclumaad kuu siyaan Hadad rabto faah fahin intaas dheer igalasoxarir Skypekeyga. Wadnaqabad1

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • sakaaro says:

      marka hore sxb waan ku salaamay marka labaadna ma fahmin qaabka lagu eeganayo mudada ay waqtigaygu marayso markaa waxan jeclaan lahaa inaan qaabka iisoo sharaxdo adoo mahadsan

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. afmadobe says:

    ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. afmadobe says:

    ASC, Walal JIMCAALE waad mahadsan tahay ilahayna khayr haku siiyo aduun iyo aaqiroba. Okej walal waxaan rabey inaan si fiican wax u fahmo marka markii aan warqada la soo baxo oo aan rabo inaan buuxiyo oo migrrtion-ka u diraayo ma garanaayo qaabka iyo sida loo buuxinaayo marka ma ii awoodi kartaa inaad ii faahfaahiso adiga oo mahadsan, ilaahay khayr haku siiyee Aamiin. Hadii aad waqti ii weydona waad ku mahadsan tahay. ASC WALAL.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. ali hassan nuur says:

    waaad mahad santahay walaaal mcne

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3