“Macquul miyaa in reerkiisa loo keeno nin isagu cayr qaata?”

29

Xisbiga Moderaterna (M) ee uu hogaamiyo raysal wasaaraha Sweden ayaa siyaasadooda doorashadaBillstrom 2014 ku daray sidii loo yareyn lahaa tirada soo galootiga. Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa isbuucaan warbaahinta u sheegay in Sweden ay qaabisho “tiro badan” oo soo galooti ah taasoo uu ku tilmaamay mid aan la xamili karin.

Wasiirka Socdaalka oo maalmahaan la wareegayay dhowr arimood oo ay ka midyihiin sidii dadka reerahooda dalbanaya loogu xiri lahaa in ay shaqaystaan ayaa waxa uu taageero ka haystaa xisbigiisa.

РMacquul miyaa in reerkiisa loo keeno nin isagu cayr qaata? ayuu yiri Wasiirka Socdaalka Tobias Billstr̦m mar uu la hadlaayay wargeyska DN.

Xisbiga Moderatka ayaa hada u saaray gudi uu hogaaminayo wasiirka sidii loo yareyn lahaa dadka soo gala Sweden. Gudigaas ayaa soo bandhigi doona sida loo yarenayo soo galootiga ka hor doorashada sanadka 2014.

Xisbiga moderetka ayaa taageero fiican ka helay Soomaalida doorashadii la soo dhaafay iyadoo xisbiga ay baarlamaanka ugu jiraan 3 shaqsi oo Soomaali ah. Si kastaba ha ahaatee, xisbigaan ayaa shuruudo adag hor dhigay soo galootiga qaasatan Soomaalida mudadii ay hogaanka hayeen.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here