Madaxda xisbiga SD oo fadeexad galay [Video]

13

Madaxda ugu sareysa xisbiga cunsuriga ah ee SverigeDemokraterna (SD) ayaa ku dhacay fadeexad balaaran oo sababtay in labo ka mid ah xubnaha maamulka xisbigaasi ay iska casilaan hawsha ay u hayaan xisbigooda.

Labada nin ee ugu caansan xisbiga marka laga reebo gudoomiyaha oo lagu kala magacaabo Erik Almqvist iyo Kent Ekeroth oo ah madaxa maaliyada iyo madaxa arimaha cadaalada ee xisbiga isla markaana ku jira baarlamaanka Sweden ayaa galay fadeexad cunsuriyad iyo aflagaado haween isugu jirta. Labada nin ayaa la soo bandhigay filim muujinaya iyaga oo aflagaadeynaya wiil Ajanabi ah oo lagu magacaabo Soran Ismail iyo nin Swedish ah oo cabsan oo xitaa ay gacanta u qaadeen. Ka dibna waxaa la soo bandhigay iyaga oo Gabar Swedish ah oo isku dayday in ay kala dhexgasho aflaagadaynaya oo ku dhahaya erayo anshax xumo ah sida “dhilo” iwm.

Markii arintaan wax laga waydiiyay Erik Almqvist inta aan filimka la soo bandhigin ayuu dafiray in uu sameeyay dhamaan waxyaabaha laga sheegayo balse markii filimka la soo bandhigay ayay cadaatay in uu been sheegay. Waxa uu ku andacooday inuu cabsanaa xiligaas balse filimka ayaa muujinaya in uusan sidaasi u cabsanayn.

Gudoomiyaha xisbiga SD Jimmie Åkesson oo bishii hore balan qaaday in xisbigiisu uusan u dulqaadan doonin xubnaha sameeya ficilada cunsuriyada ah ayaa shalay qabtay shir saxaafadeed uu ku sheegay in ninka lagu magacaabo Erik Almqvist uu isaga tagay dhamaan shaqada uu u hayo xisbiga balse uu baarlamaanka sii fadhin doono. Ninka kale ee asna cunsuriga ah ee lagu magacaabo Kent Ekeroth ayaa isagana ku dhawaaqay in uu waqti aan la cayimin ka baxayo hawlaha siyaasada ee uu u hayo xisbiga SD.

Fadeexadaan ayaa dhabar jab ku ah xisbiga cunsuriga ah ee SD oo bilihii la soo dhaafay ay aad kor ugu kacday taageerada uu ka haysto shacabka Sweden oo noqday xisbiga sadexaad ee wadanka ugu weyn. Arinta qatarta ah ee soo wajahday xisbiga SD ayaan ahayn cunsuriyada ka dhanka ah soo galootiga balse waa aflagaadada haweenka oo wadankaan ka ah arin qatar ah. Taas ayaa keentay in labadaan nin oo ka mid ah aasaaskii xisbiga SD ay isaga baxaan hawlahooda sida degdega ah. Waxaa la filayaaa xitaa in ay ka bixi doonaan baarlamaanka Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here