Madaxii laanta jinsiyadaha ee Soomaaliya oo safar qarsoodi ah ku soo gaaray Noorweey

0

Wararka aanu ka heleeyno magaaladda Oslo ee dalka Noorweey, ayaa sheegaya in maalintii shalay aheyd uu safar aan la shaacin oo qarsoodi ah ku yimid madaxa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ee dhawaan la magacabaay Maxamed Aaden Jimcaale  Koofi.

Koofi iyo wefdigiisa ayaa wararku sheegeen in ay kulan la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan laanta socdaalka Noorweey sida ay sheegayaan dad xog ogaal ah oo Somaliska.com u waramay. Dowladda Noorweey iyo saxaafadeeda ayaan ka hadlin wararka Koofi iyo wefdigiisa ma jiraan war rasmi ah oo intaasi dhaafsiisan oo ay labadda dhinac ka hadleen marka laga reebo ilaha warkan noo soo gudbiyey oo soomalida Oslo ah.

Warka sheegaya imaatinka Koofi, ayaa ku soo beegmaya xilli Noorweey ay sanadkii ina dhaafay dad gaaraya 1600 (kun iyo lix boqol) oo  soomali ah ay sheegtay ineey dib u qiimeeyn ku sameeyneyso sharciyadooda halka sadex boqol oo ka mid ah dadkaasi loo diray fariimo loogu sheegay in sharciga lagala noqday dalkana lugu amray in ay ka baxeen.  Safarka Koofi ayaa ugu dambeeyntii waxaa dad badani  walaac sii geliyey islamarkaasina ay isweydiinayaan waxa haatan keenay. Iyadoo dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud lugu eedeeyey ineey Noorweey la gashay heshiis dib Soomaaliya loogu celinayo soomaalida sharciyada lagala noqday Noorweey ee ay dooneeyso in dalkoodii dib ugu celiso.

Somaliska.com – Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here