Madaxweynaha Falastiin oo maanta booqasho ku imaanaya Sweden

Madaxweynaha dowlada Falastiin Mahmoud Abbas ayaa maanta booqasho rasmi ah ku imaanaya wadanka Sweden ka dib markii uu casuumad ka helay raysal wasaaraha Sweden. Abbas ayaa Sweden imaanaya ka dib markii Sweden ay noqotay wadankii ugu horeeyay ee galbeedka Yurub ee aqoonsada dowladnimada Falastiin.

Inta uu ku jooga booqasho Sweden ayuu kulamo la qaadan doonaa raysal wasaaraha, wasiirka arimaha dibada iyo boqortooyada. Wasiirka arimaha dibada Sweden Margot Wallström ayaa sheegtay in Abbas ay saari doonaan cadaadis ku saabsan in uu waxqabad sameeyo isla markaana uu xooga saaro dadaalada nabada ee u dhexeeya Falastiin iyo Israel. Waxaa kale oo laga wada hadli doonaa sida Sweden ay u caawin karto Falastiin.

Ka dib markii ay Sweden aqoonsatay dowlada Falastiin ayay cambareyn iyo carro kala kulantay dowlada Israel, balse waxaa aad u soo dhaweeyay talaabada Sweden wadamo badan oo xitaa ay baarlamaanada UK, Spain iy France ay u codeeyeen in la aqoonsado Falastiin inkastoo wali aysan dowladooda sidaasi samayn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. Hooyo soomaaliyeed says:

    Maash,alaah waa wax lagufarxo. Ilaahay garabkiisa hagalo mudane Cabaas. Falatiina xaqeeda hau,sooceliyo oo ciriirigahakabaxsho. Aamiin.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. cabdale says:

    Jimcale waxaan ku waydiin lahaa, Dawladii Raysal wasaaraha Sweden soo dhisay kuma aysan jirin wasiirka socdaalka iyo xubni kale oo muhiim ahaa markaas wali ma magacaabay xubnahaas mise waa wali.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Waa ku jiraan oo waxaa lagu daray wasaarado kale, wasiirka cadaalada Morgan Johansson ayaa qaabilsan arimaha socdaalka. Arimaha isdhexgalka waxaa qaabilsan wasiirka suuqa shaqada Ylva Johansson.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. cabdale says:

    aadbaad u Mahadsantahay Jimcaale, alle hakaa jasaai siiyo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0