Magaalada Borlänge oo 2 maalmood u dabaaldagaysa dhaqanka Soomaalida

Magaalada Borlänge oo ay ku noolyihiin Soomaali aad u fara badan ayaa qorshaynaysa in ay qabato 2 maalmood oo loogu magacdaray “Mångfaldsdagar” kuwaasoo loo dabaal daggi doono dhaqamada kala duwan iyo qowmiyadaha kala duwan ee ku nool magaalada, qaasatan dhaqanka Soomaalida maadaama uu soo bixi doono isla xiligaas filim laga sameeyay Soomaalida ku nool Borlänge iyo kooxda ciyaartoyda barafka ee Somalia Bandy.

Labada maalmood oo kala ah 26-27 januari ayaa magaalada waxaa lagu qaban doonaa bandhigyo iyo xaflado kala duwan oo ku saabsan dhaqanka Soomaalida, sida suugaanta, cuntada iyo waxyaabo kale. Fikirkaan ayaa waxaa ka dambeeya ninka lagu magacaabo Patrik Andersson oo ah ninkii aasaasay kooxda barafka ee Somalia Bandy. Isaga oo ka hadlaya sababta ka dambaysa barnaamijkaan ayuu sheegay in uu doonayo in la faafiyo sawirka qurxoon ee magaalada Borlänge iyo dhaqamada ku nool.

Filimka loogu magacdaray “Trevligt folk” ama “Dad wanaagsan” ayaa waxaa sameeyay labada nin ee caanka ka ah Sweden ee lagu magacaabo Filip iyo Fredrik kuwaasoo filimka ku soo bandhigaya sheegada xiisaha badan ee ku saabsan kooxda kubada barafka ee Somalia Bandy iyo guud ahaan magaalada Borlänge Soomaalida ku nool iyo sida ay tahay noloshooda.

Borlänge ayaa u muuqata in ay noqotay magaalo ku faanta dhaqanka Soomaalida, iyadoo ay magaalooyinka kale ay cabasho iyo waxyaabo kale ku mashquulsanyihiin. Waxaan leenahay Hambalyo Borlänge. Cidii ka qayb gali karta ha iska xaadiriso Borlänge January 26-27.

Kooxda Somalia Bandy oo sanadkii hore ka qeyb gashay ciyaaraha aduunka ee barafka oo lagu qabtay wadanka Ruushka, ayaa sanadkaan doonaya in ay markale ka qeyb galaan, iyadoo hada la soo xulay ciyaartoyda ka qeyb gali doonta ciyaaraha aduunka Bandy 2015 oo markale lagu qaban doono Ruushka. Halkaan ka daawo sawirada ciyaarotyda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. cabdiraxman duceysane says:

    Asc Waaanu soo dhaweyndonaa arinkaasi .lakiin yaan la iloobin baqdinta alaah, ama Xariga illaah somaliya waa dad laga jacel yahay caalamka intiisa badan . Lakin waa dad kuhabsaday cudurka ay kaga soo carareen wadankoodii ee qaaliga ahaaa. Ilaah hakaqaado cudurka xun. Insha allaah illaah baa ka qaadi kara lakiin waa in loo duceeyaa bar waliba aanu tukano illaah ha inaga aqbalee amin amin amin yaaraabii yaa rabin inaga aqbal waxaanu nahay adoo madaadii ee Dhunka ku nool ee masakiinta ah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  2. cajib says:

    cajiib labo nin ayaa muslimiinta borlänge halkaas geeyay in lagu cayaaro diintooda iyo dhaqankooda daneystayaal ilaahay hanaga qabto mida kale cajiib ciidul alfidri iyo adxaa saas looma dabaaldago laakin maalmaha gaalada weyneyso ayaa nala weyn illaahow astur ceebteena nasoona hanuuni

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. laylo says:

    waxaan ujawaabaayaa walaalka wata Cajiib waxaab dabaaldagga loilama jeedi waxkale ee waa iska baashaal iyo dhaqan lasoo vandhigo canjeelo suqaar sanbuus iyo soor sabaayad adi waxaa awoodid keen hadaan dadka lee ku taagnaano waa ceeb in qoflee farta lagu fiiqo waa ceeb inaan inaga isku mashquulnana waa ceeb ee umadaada shinac karaac waana wax fiican in aan qowmiyadaha dagan magaaladaan aan siddaan uga dhax muuqano.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. osman says:

    In aan dhaqankayna soo bagno wax diidaayo maajiro xaq ayaan u leynahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0