Magaalada Borlänge oo sheegtay in aysan guryo u hayn Soomaalida la mideynayo

Gudoomiyaha degmada Borlänge ayaa isbuucii la soo dhaafay warbaahinta u sheegay in magaaladiisa aysan qaabili Borlängekarin qoysaska la mideynayo maadaama aysan guryo u haynin. “Ma hayno guryo. Balse waxaan isku dayaynaa in aan raadino xal kale” ayuu warbaahinta u sheegay  Kenneth Persson oo ah gudoomiyaha magaalada Borlänge.

Borlänge ayaa waxay ka midtahay magaalooyinka la filayo in ay yimaadaan qaar badan oo ka mid ah Soomaalida la mideynayo. Ilaa bishii Oktober ee sanadkii 2012 ayaa waxaa magaalada soo galay 201 qof oo soomaali ah kuwaasoo isugu jira 173 caruur ah  iyo 28 dad waaweyn ah. Waxaa la filayaa qaar kale oo badan in ay yimaadaan sanadkaan.

Kenneth Persson ayaa cabasho ka muujiyay in aysan qaabili karin Soomaalida soo socota maadaama aysan guryo hayn. Waxa uu sheegay in aysan dadka cusub dajin karin guryaha cusub ee magaalada laga dhisay maadaama loo baahanyhay in qofku uu shaqo haysto. Waxa uu sheegay in degmooyinka kale ee la dariska ah Borlänge in xalka laga raadin doono.

Soomaali badan oo reerahooda lala mideyn lahaa isla markaana ogolaansho haysta ayaa hada ku xayiran wadamada Ethiopia, Uganda iyo Kenya. Sababta ay halkaasi ugu suganyihiin iyaga oo sharci la siiyay ayaa waxaa ka mid ah guryo la’aanta. Kamuunada ayaa Migrationsverket ka codsaday in ay dadka dib u dhigaan ilaa guryo loo diyaarinayo. Dadka doonaya in lala mideeyo reerahooda ayaa waxaa haboon in ay degaan magaalooyin guryaha leh.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

42 Responses

  1. cadde says:

    Asalamu caleykum
    waxa arin fican in dadka lo diyariyo meeshi ay dagi lahayen.
    tanka maxaa ka so kordhay arinti 2 sano? ruux maxkamadu u so jawabay yaa arkay?

    mahadsanidin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. MUSTAFE says:

    ASC JIMCAALE WARBIXINTAADA WAAD KU MAHADSAN TAHAY KOLAY KUMMUNKA IYO MIGRATIONKU WAY IS OG YIHIIN WAANAY WADA SHAQEEYAAN MAGAALO KASTA GURYO LA,AAN BAA KA JIRTA LAAKIIN DADKAN MUDO AYEY KALA MAQNAAYEEN HADAAN MAR UUN OGOLAANSHAHA KA HELNO GURI HADAANU WAYNO XATAAA BANAANKA SEEXAN LAHAYN YAAA CARUURTAYADA UUN NOO KEENA ASXAABTII 2SANO MAALMAHAN YAAA WAX CUSUB HAYA

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  3. sagal says:

    walal waxaan rabaa inaad iigasoo jaabto arinkii miyaa lagaga dhabeeyay ahaa in qofku shaqo hayso markuu doonayo in reerkiisa loo keeno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. rooble says:

    somalide waxay ku maah maahdaa biyo sacbahaada aa loogu dhargaa marke waxaan ula jeedaa somaliyeey sharafteenu waxay kujirtaa inaan shaqeysanno ee aan shaqeysano wadankaan waxaa nalagu nacay waa shaqo la aanta ee fadhige aan kakacno oo shaqo ku dadaalno sidii aan ku helilahayn ??

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  5. Hani says:

    Aan shaqeysano kulaha xagee shaqo laga helaya dadkan shaqo kusiin maayan hadeey ku siyana waa mid silic iyo raadis badan u gashay cajiiib ilahay wadankena nabad ha noga dhigo dhul shisheye waa dareen ku jooog

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

    • Sam says:

      Hani, walaashay maahan sidaad moodo. Shaqo meel walba way taalaa laakin kuuma imaanayso iayada oo socota ee waa inaad adiga raadisaa. Hadii aad leedahay körkort aadna luuqada taqaano ood fahmayso marnaba shaqo ma weyneysid oo aad ilaah tawakasho. marka jooji marmarsiyada aan waxna kuu tarayn. ee fadhiga ka kac.

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Khadija says:

    Asc Jimcaale, walaalow wax tips ah managa siin kartaa kommunada guryaha laga helo waan u guureynaa xitaa hadey ku yaallaan waqooyiga wadankan,

    Guri la’aan lama noolaan karee bal tips naga soo sii dhaqso inshaa Allaah.

    Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. shamso says:

    Waa idiin salaamay asxaabey yaa jawaab mise warbixin kaa haayo arinta 2 sano. waa ku wareernay maxkamada yee ogolaansho siisay please soo qora allah waxaad ku faraxdaan idiin siiyo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Abdullahi says:

    Asc insha allah waa guleeysan donna kuligeeyn, ii soo duceeya Arbacada ayee i soo jawabeeysaa maxkamada sxbyaal. kheer allah ka keeno.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. hanad says:

    sihaaam walaalo anba dhagta itagan wali jawaab ima siin isha alaah wax khyr qaba rajenaynaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Sihaam says:

    AKHYAARTA SALAAN SARE, KADIB WAXAA SOO BADANAYA DADKA LOO OGOLAANAA OO 2 SANO AH . GABADH DERIKAYGA AH AYAA LOO OGOLAADEY MAANTA MIGRATIONKA AYAA SIIYAY WAXAA U QORAN IN AY 1 SANO SOOMAALIYA KUSOO WADA NOOLAAYEEN , HAL ILMO AH AYAY ISU DHALEEN . LAAKIIN NINKA WUXUU U HAAYAA GABADH AY NIN KALE USOO DHASHY ASAGA IYO GABADHEEDII HORE AYAA OGOLAASHO L;A SIIYAY . ANA JAWAAB SUGE AYAAN AHAY MIGRATIONKA FAATAXADA IIGU SOO KAALMEEYA LEEE.

    MAHAD SANIDIIN

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  11. Sihaam says:

    WAAN KA XUMAHAY ,
    DERISKAYGA AH AYAAN ULA JEEDAA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Sihaam says:

    INTA 2 SANO AH OO MAXKAMADDA JAWAABTA KA SUGAYSO MACNAHA MIGRATIONKA UU U DIIDAY , DACWADA DADKII MARKII HORE AY KU XIRANTEY MAA KA MID AHAYDEEN MISE DAD CUSUB OO INTII LEYNKU XIRNAA KADIB YIMID WADANKA AMA KA DIB ILMAHA U DHASHEEN AYAA TIHIIN

    FADLAN II FAAH FAAAHIYA BAL ADINKOO MAHAD SAN.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. layla says:

    sihaam abaayo isha baxarka dariskaaga maaba lamideeyey kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk macaantoy anagana weekagaan waa farxi doonaa hadii illaah inoo yasiro aaaaamiiiin….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Abdullahi says:

    Sihaam walaal aniga hadaan teeda ka waramo wadanka 2011 dhamadkiisi ayaan imid dacwadiina 2012 ayaan xareeyay marka waxeey ila tahay in eeysan ku xirneen hori dacwada hadaad u xareesay mise dadkii danbe aad tahay waa ku salaama allah ku fududeeyay anigana i soo duceeya arbacaaan maxkamada jaabtii ka sugayaa allah haduu idmo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. dhuubane says:

    asc somaliyey horta wax is weydiiintu ma xuma in lakala faaiiidaana waa muhiim horta kow sheekada ah maxkamada jawaab maka heshay wey badatay asxaabey aaan laba u kala saarno maxkamadaha wey kala yihiin wexeyna kala yihiin migrations domstol oo ah qofka meesha loo gudbiyo marka magareeshinku diidmo siiyo waxaaa ku xigah kammarätten oo ah maxkamada wadanka ugu weyn migrationsdomstol sida aan lawada socono inta badan wax ay ka bedelaan maleh wey ku racaan inta badan faiido maleh lakiin meesha wax diidi kartah waxna ogolaan kartah maxkamada weyn weeye qofkii meeshaas dacwadiisu jirtoh ooo jawaab ka helay ha soo qoro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. Sihaam says:

    LEYLO , HAA ABAAYO DERISKA AYAY SOO GASHAY . IN SHA ALLAAH ANAGANA WEY NASOO GAAREYSAA

    EE ADIGA DADKA QABTA KU DHACDEY MAA KU JIRTAA MACNAHA LEYNKU KU XIRMEY MASE INTEY XIRNAYD MIDEYNTA REERAHA KA DIB AYAAD IMAATEY
    MISE ILMAHA DHASHY

    MAHAD SANID

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. hanad says:

    sihaaam aniga hada tayda kahadlo wadanka 2012 baan imi sharcigana qatay ma fahantayna walaalo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. layla says:

    haa macaanto aniga 2010 aa diidmo laiga siiyey odeyga kaligiis eyna markaas eheed sadex jeer markaan diidmo helayna wey iga xirmatey hadana waxaan dhaley ilmo gadaal aana kaxareestey mid cusub tiiyaana hadda diidmo laig siiyey marka waa ku jabney walina wax jawab ah kama haayo illahaa jira c\laahi walaalkey illaahey arbacada akhbaar aad ku faraxdid hakaagasoo yeersiiyo anaga dhanna isbuucaan war kheyr qaba. sihaameey gabadhaan armey mudnaanta ku heshey cunugaas weyn oo ey ninka kale usoo dhashey darteed odeygeedana ku helay taasna waa dhici kartaa abaayo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. hanad says:

    SIHAAM ANIGA XASKA WAA QORTAY IYO ILMAHA MARKA IS DHIBAYAY WALAAL WAA ISKU DHIBEY INAAN LEYAHAY HAL ILME

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. MUSTAFE says:

    AKHYAARTA 2SANO DHAMAANTIIN WAAN IDIN SALAAMAYA WAXAN KU FARAXSANAHAY SIDAAD FIKIRKA U WADAAGAYSAAN ILAAHAY WALAALAYAAL DHIBKA HA INAGA WADA SAARO WAXAN KU DARAYAAA ARINKA LABA SANO LAFTIGIISA LABA WAJI LEH MID WAXA WEEYAAN DAD HORE ISKU SOO QABAY OO HALKAN MARKAY YIMAADEEN IS QORTAY LAAKIIN HAL ILMO TUSAALE AHAAN HAYSTAY AMA UUR JIRAY SANO KA YAR MIDNA WAA DADKA AAN MARKII HORE AAN IS QORAN OO GADAAL ISKA UURSADAY ILMANA DHALAY AMA NINKU HALKAN HA JOOGO AMA GABADHADHU HA JOOGTO MARKAA ANIGA WAXAY IGU DHAHEEN DADKA AAN AFRICA KU SOO WADA NOOLAYN EE AAN 2SANO SOO WADA NOOLAYN AYAA DIIDMADA UGU BADAN HELA MARKAA MIGRTIONKU MUHIIM MAAHA HADAY XATAA DIIDMO IDIN SIIYAAN MAXKAMADA KA AWOOD BADAN ARINKA MAXKAMADA CULAYSKA SAARA MARKAAD APEAL QAADANAYSAAN

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  21. axmed naruuro says:

    waa arin laga naxomar hadii dakii ay ogolaatay migrashinka in uu kamuunkii yiraadu guryo uma heyno waa arn aad loogu naxo sababtoo ah waxaan ogahay soomaali badan oo ku dhibaateysan adis ababa oo sugaayey boraseska iswedan waa in ay kamuunada marka hore ka fakiraan dadka soo dhameestey boraseeskooda meeshii ay degi lahaayeen ma.ahan mar ay ii joogaan meeshoodaniyadoodii xagan u soo wareegtay in la dhaho waa in ay soo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. hanad says:

    MUSTAFE ALLE BAA WAX KASTA HAYA ISHA ALLAAH WAR LAGU FARXO ALLE KA RAJENAYNAA ISHA ALLAAH DHAMAANTEEN ALLE HA INO SO WADA SAHLO AMIN AMIN

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  23. scadeey says:

    allooow amuuraha sahal dhamaan teen qof walba meel ayuu wax ka tabaa alloow waxii kheeyr ah na waafaji dhamaanteen masha allaah si wanagsan ayaad isku wedaar sadeen afkaartiina waan ka helay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Mogomotsi says:

      I for one am so happy about her comment, i love all women sninky med large or plus size they are lovely to me. but as we no in are world us as women are judge day after day for are size rather you are big or small. I do however no being a women with curves and yes i have boobs and butt i wear a size 14-16, and i have struggle with the fashion world forever when i was younger i always thought my whole life i was fat, and me wanting to be a model new that wasn’t gonna work so i gave up on the dream, i always heard from people you are so lovely, but just a little to heavy, and the truth was i was far from fat or heavy. So time went on and i got older after trying to starve myself and the depression and all, i finally realized i had to love who i was. Then i meant a wonderful man who tells me everyday i am so stunning. When i got prego’s it was bad gained 60pounds with my 1st son and man i felt so bad my self esteem drop, then i started dropping weight and feeling a little better and wow when my little one was 11month’s ur prego again lol i was so worried i was gonna gain 60pounds again but i didnt only 18 this time but i still had 20 from the last baby so i was still considered fat. Now my little one is 15months and the older one 2and a half and i have 5pounds left and you no what i feel great better then ever i am confident and strong and i don’t no why i ever let weight bother me as long as you are healthy lady’s enjoy your self i like to take my kids for ice cream and i share with them and we go out to fast food i just watch, i don’t diet i live. I can tell that is what Jessica is doing and people need to leave her alone. and yes i believe that women now a days have why more curves then before and if fashion would just get use to that and start letting bigger girls model high fashion and runway there sales would be through that ruff women relate to other women like themselves if i go past a magazine or see an add with a women with my body type i’m gonna buy it cause i can relate to them that’s what sales is all about relating to each other in my eyes Jessica has the right idea.Do you like this comment? 0 0

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  24. layla says:

    walaal mustafe waad salaamantahay arinkan aad soo qortey waa sax laakinse waxaad ogaataa in aniga markaan sweden imaadey aan qortey xaas walow aan lahayn wax ilam ah xagaasna iga joogin halkaan aan laimaan ee gadaan aan kahelnay ilamaha laakinse wadankaan markaan isdhiibayba waan sheegtay odeygeyga oo waliba muddo inaan isa soonooleen baan xataa qortey waageii hore ey xiranteyna diidmooyin sadex ah baan kahelay hadda markii ilmaha laisku xireyna waataas oo diidma ayaa laisiiyey marka waa sey rabaan wax sharci ah iyo wax ey arintaan sal leedahay malahan xataa lowyerbaan qabsadey waayo aniga 2 sano xataa waan kabadnahay marka taasbaan lowyer uqabsadey oo wuxuu iisheegay lowyerka in arintaan ey tahay arin daciif ah o megrationsverkatka un iska gaarey waana aragtaan hadder in laleeyahay guryo looma haayo dadkaan soosocda waa haku xirmato oo markey ladhaqan galiyo arinkaan dadba eysan imaan midda kale aniga hal nin baan udacwoonaayaa gurigaan daganahay buuna dhinac kadagaayaa maxaa culees ah oo ey nooga baqaayaan cayrta xataa hadey idhahaan masiineyno odeygaga walaahi uma baahni waayo intaan qaadano aniga iyo ilmahayga baan biilan leheen waa xaasidiin illaah hanaga qabteee marka walaalayaal sharcigaan waa sharci dadka tabarta daran laisaga jeedinaayo ee waa in qolooyinka xaquuqda aadanaha udooda iyo jaraaidka aan lakaashano insha allaah kheybaan isku ognahay waana mahadsantihiin dhamaan.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  25. MUSTAFE says:

    TO LAYLA WALAAL WAAD DADAAALAYSAA INSHA ALAAH DHAMAANTEEN WAAN GUULAYSANAYNAA SAMIRKA BADI ANIGA 1SANO AYAA II QORAN INAAN SOO WADA NOOLAYN XAASKAYGA 2011 MAR BAAN DIIDMO HELAY HADANA 2012 AYAAN MAR KALE DACWAD XAREEYEY WALI JAWAAB MAAN HELIN SAAKA OO U DANBAYSAY NAAGTA KIISKAYGA GACANTA KU HAYSAAN WACAY WAXA LAGU LEE YAHAY UUN SUG GOORTAASA JAWAAB LAGU SIINAYA MA JIRTO HADII MEESHA ILMO UU JIRO AMA MIGRATIONKU HA OGOLAADO AMA MAXKAMADI HA OGOLAATO WAY OGOLAANAYAAN KOLAY MAALMAHAN IYO BILAHAN INSHA ALAAH DHAMAANTEEN WAAN GUULAYSANAYNAA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Sihaam says:

    ASC DHAMMAAN, ALLA HA NOOO FUDUDEEYO DHAMMAANTEENBA. ANIGA 3 JEER AYAAN DIIDMO HELEY MARKII DACWADU XIRNEYD ANOO UURLEH AYAAN IMID WADANKA 2010 , JULAY AYAAN UMULAY KADIB DIB AYAAN U XARAYNAY BISHII 5 2012 WALINA WAX JAWAAB AH DEEQ IYO DEYRO KAMA HAAYO MAR WALA WAXAY LEEYIHIIN GO AAN LAGAAMA GAARIN . LAAKIIN WEY IMAANAYSAA IN SHA ALLLAAAH . MARKA AY ARRINTU ADKAATO FARAJKA AYAA DHAW EE DUCADA HALA BADIYO .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. AABE CARUURTII KA MAQANTAY says:

    WAXAAN XAREEYEY 2010, WAXAAN HELAY DIIDMO, XATAA IYAGOO DNA IGA QADAY OO II SHEEGAY INAAN CARUURTAYDA DHALAY AYEY I SIIYEN DIIDMO, TAARIIKH AAN KHALDAY DARADEED, WAXAAN KA DACWOODAY FÖRVÄLLTNINGRÄTTEN I GÖTEBORG WAXAY IGA HAYSTAAN MUDO KA BADAN SHAN BILOOD MARKAAN LA HADLANA WAXAY LEEYIHIIN KIISAS BADAN AYAAN HAYNAA EE SUG, CID ILA MIDI HADAY JIRTO IGALA SOO XIRIIRA ISLA HALKAN.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  28. Abdullahi says:

    To: AABE CARUURTII KA MAQANTAY
    asc marka hore, Arintada oo kale waxeey ku dhacday reer dereskeega ah 8 caruur leh.
    imigration ka ayaa diidmo siiyay isago ku sababeenayo Da’da caruurta ayee midba gooni u sheegay aabaha iyo hooyada.
    Abiil ayee maxkamada u gudbiyeeyn nasiib wanaag 4 bil ka dib oogolaansho ayee heleeyn.
    Mar hadii caruur meesha ku jirto waxaa lugu cadeeyn karaa Dna hadii warka u is qilaafo, sidaa awageed hadiiba Dna u cadeeyay caruurtaada waa qalad waxeey kuugu heestaan waana aaminsannahay in jawaab fiican aad heli doontid insha allah.
    wcs

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  29. hilal says:

    asc walaal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  30. hilal says:

    asc walaalayaal waan idin salaamay dhamaantiin salaan kadib adiga meeshan waan ku cusubahay oo caawa kahor ma soo galin lkn waxan ka mid ahay dadka 2 sano waxan waxaa iga maqan odagaygii waxaana haystaa ilmo yar ila 3 diidmo ayaan heley ilaa intii dadku xirmay tii ugu den beysay bishii 10 2012 ayaa magareeshin ka isiiyay ilmahaygana dhiig lagama qaadin kadib maxakamada ayaan u celiyay walina wax jawaaba ma helin lkn bishaan ayaan kusoo jawabaynaa ayay idhehel marka walalayaalow qof sidedoo kale ah oo aan ilmaha dhiig laga qaadin oo wax oo ogoladay mhaysaan waad mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  31. layla says:

    wallaaley hillaal soo dhawoow marka hore marka xigtana anaga xataa wali dhiig ah nalagama qaadin saan dhiig usugeyney baa diidmo noosoo dhacdey marka wali maxkamadii baan jawaab kasugeyyaa aan racfaanka udirsadey muddona waa lagajoogaa intaan xareeyey racfaanka…………

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. Sihaam says:

    LEYLA, ADVOKAT MA LEEDAHAY KAA CAAWINKARA INAAD JAWAAB KA HESHO MAXKAMADA OO AY WAQTI KALE KAA SII DHUMIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. hanad says:

    ASC DHAMAAN ASXAABTA KULIGEEN WAX NAHAY DHIBANAYAAAL ALLE HA INO SO SAHLO ISHA ALLAAH WAX WALBA WAA ISKA QORAAL MARKA ALLE WUXU QORAY WAYI MAYNO ISHA ALLAAH NIYADA KHYR USHEEGA DHAMAANTINBA ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. layla says:

    haa abaayo waan leeyahay bishaan 25keeda baana lakulmaayaa insha allaah maanta anaaba wacay maxkamadii marka naag hanlagarahayga baana laisiiyey telkeeda walow ey iga qaban laakinse gabar markii hore isiisey mol numerkeyga aan maxkamada kuleeyahay waa lambar kiskaaga lagu baaro baa waxay igu dhahadey wali go,aan lagaama gaarin waa maanta duhurkii warkaas marka walaaley waan iska sugeynaa waxaana xarestey november 20 kedii jawaab kheyr leh insha allaah. maanta waxaan war kasugaynaa c\laahi oo arbacada loo qabtey hanad ku aawey waataad adigana weegaan laguu qabtaye illaah hanoogasoo qaado umadaan .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. hanad says:

    layla walaalo wali waxba kama hayo malinti intaas bay iqabteen waaana dhfatay marka wax khyr qaba alle ka sugeena walaalo wixi iga so kordha waa idin la so socodsinayaa isha allaah dhamaanteenba alle ha inoga so wada sahlo amiin amiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. hilal says:

    mahadsanid leyla.meeqa bilod ayaa sugeysaa maxakamada mase la xiriidhay?abaayo waan helaynaa wixii calafa insha allaah.asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. AABE CARUURTII KA MAQANTAY says:

    abdulaahi sxb aad ayaad u mahadsantahay, lakiin waxa ayaan daro ah in maxkamada dadka joogaba ay yihiin qaar caajis ah oo aan wax shaqo ah qabaneen, waxee dhahayaan kiiskaga waan haynaa dad badan ayaan hadana sugaayo naga war sug hada 5 bilood ayaan saas ku marayaan ka waran hee

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  38. Abdi says:

    Walaalayaal Salaamullahi caleeykum dhamaanteeyno Ilaahey umuuraha hasaqiro.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. amina ladan 2 SANO says:

    asc wr wb walal yaal wali wax jawaab ahna ma helin waanw ada sugeeynaa dabcan maarso Insha Allaah qeeyrka Allaah haan waafajiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. hanad says:

    amina ana wali waa sugayaa walaalo jawaab mahayo lakin dadka sida rabaan yelaan aniga waxba arkay gabdh isku magaalo daganahy ninkeedi kentay waxbana iskuma dhalin marka dadkan sida rabaan bay yelaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0