Inta badan Soomaalida Sweden ku nool meelkasta oo ay joogaan waxay leeyihiin jaaliyado ay ku mideysan yihiin ama ay ku kala qeyb sanyihiin. Jaaliyadaha Soomaalida ayaa qaarkood hore u kac weyn sameeyay halka khaarna dhaliyeen naceyb iyo kala qeybsanaan. Qilaafaadyada ka dhasha jaaliyadaha ayaa lagu micneyn karaa in uu sal dhig u yahay qilaafka weyn ee ka jira dalkeeda iyo shaqo la'aanta haysata Soomaalida Sweden ku dhaqan. Magaalada Fagersta waa magaalo yar oo ku taal gobolka Västmanland iyadoo sanadkii la soo dhaafay ay ku soo guureen Soomaali fara badan. Soomaalida halkaan ku soo guurtay ayaa waxay kala kulmeen arimo dhowr ah oo aysan ku faraxsanayn sida in markii hore loo sheegay in shaqo iska buuxdo Fagersta ka dib markii ay baraatiik sameeyaan taasoo aan dhicin iyo in 8 saac oo baratiik ah loo diro Soomaalida. Soomaalida magaalada ayaa sameysay Jaaliyad si ay si mideysan xiriir ula sameeyaan kamuunka iyo in ay dhexdooda kala faaideystaan. Jaaliyadii la dhisay ayaa sida caadada ka ah Soomaalida Sweden waxay dhalisay qilaafaad socday mudo dhowr bilood ah taasoo markii dambe la xaliyay. Hadaba waxaan wareysi la yeeshay Gudoomiyaha Jaaliyada Fagersta Maxamed C/Lahi Aden kaasoo iiga waramay xaalada Soomaalida Fagersta iyo Jaaliyadooda.

Magaalada Fagersta & Jaaliyada Soomaalida [Video]

Inta badan Soomaalida Sweden ku nool meelkasta oo ay joogaan waxay leeyihiin jaaliyado ay ku mideysan yihiin ama ay ku kala qeyb sanyihiin. Jaaliyadaha Soomaalida ayaa qaarkood hore u kac weyn sameeyay halka khaarna dhaliyeen naceyb iyo kala qeybsanaan. Qilaafaadyada ka dhasha jaaliyadaha ayaa lagu micneyn karaa in uu sal dhig u yahay qilaafka weyn ee ka jira dalkeeda iyo shaqo la’aanta haysata Soomaalida Sweden ku dhaqan.

Magaalada Fagersta waa magaalo yar oo ku taal gobolka Västmanland iyadoo sanadkii la soo dhaafay ay ku soo guureen Soomaali fara badan. Soomaalida halkaan ku soo guurtay ayaa waxay kala kulmeen arimo dhowr ah oo aysan ku faraxsanayn sida in markii hore loo sheegay in shaqo iska buuxdo Fagersta ka dib markii ay baraatiik sameeyaan taasoo aan dhicin iyo in 8 saac oo baratiik ah loo diro Soomaalida.

Soomaalida magaalada ayaa sameysay Jaaliyad si ay si mideysan xiriir ula sameeyaan kamuunka iyo in ay dhexdooda kala faaideystaan. Jaaliyadii la dhisay ayaa sida caadada ka ah Soomaalida Sweden waxay dhalisay qilaafaad socday mudo dhowr bilood ah taasoo markii dambe la xaliyay.

Hadaba waxaan wareysi la yeeshay Gudoomiyaha Jaaliyada Fagersta Maxamed C/Lahi Aden kaasoo iiga waramay xaalada Soomaalida Fagersta iyo Jaaliyadooda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. Mbaasha says:

    Asc
    waxaan ku faraxsanahay horumarka ay gaareen walaalaha Fargesta oo jaaliyad mideysan sameystay.waxaan leeyahay talaabo wanaagsan ayaad qaadeen ee horay u socda. wadajirka iyo wanaagana waxaad ku gaari doontaan horumar inta aad dadaaleysaan.
    Waxaa laga yaabaa in caqabado yar yar in ka hor imaadaan ee hau bixina. taariikhda ayaa xusi doonta waxqabadkiina. Waxaa jira waalala ku nool Magaalada Borlänge oo ayagana ku guuleysteen dhisid jaaliyad soomalida intabadan ku mideysan yihiin oo la dhaho UMIS (Ururka Midnimada Soomaaliyeed)
    aadna lasoo xariiri kartaan si aad ukala faaideystaan waayo aragnimo iyo waxqabadba.
    Awoodeena waa iskaashigeena!
    Ilaah haidiin gargaaro inta aad Umadda u adeegeysaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Massago says:

    Somalida markeey wadankooda joogaan may saas iskugu xirmaan waxba nagama halaabi lahayn.
    Qurbaha mugi lajoogo waxaaka muuqato sikuxirnaan iyo isjaceyl

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0