Magaalada ugu nolosha fiican Sweden.

0

Degmada Habo ee ka tirsan gobalka Västergötland ayaa noqotay magaalada ugu nolosha fiican sweden ee sanadkan ayadoo ku soo baxday tartan magaalooyinka Sweden uu u qabtay magaziinka Fokus.

Magaziinka ayaa baara heerka nolosha ee dhamaan  290ka degmo ee Sweden sanadkasta ayaga oo eegaya heerka shaqo la’aanta, iskuulada, qiimaha gurhaha iyo dadka cayrta qaata.

2007dii ayaa waxaa ku guulaystay magaalada Lund iyadoo sanadkan sidoo kale heer sare ka gashay, iyadoo Danderyd oo ku guulaysatay 2009kii ay sanadkan gashay heerka 14-aad.

Habo ayaa waxaa ku nool 10,000 oo qof . ayadoo lagu tilmaamay magaalo qoysaska u fiican.

Magaalada Haparanda oo ku taala xuduuda Sweden iy Finland ayaa gashey heerka nolosha ugu hooseeya magaalooyinka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here