Magaaladda Malmö oo lugu soo bandhigay riwaayad ka hadleeysa soomaalida

0

Magaalada Malmö oo ah caasimadda seddexaad ee dalkaan Iswiidhan ayaa maalintii shalay oo khamiis aheyd waxaa lugu qabtay riwaayad loogu magac darray “Masraxa soomaalida iskaandaneefiyanka”

Riwaayadan oo ka hadleeysay sheekooyinka soomaalida gaar ahaan kuwooda ku nool qurbaha, ayaa waxaa lugu soo bandhigay masraxa caalamiga ah ee Malmö Opera.

“Waa mar la arag in masrax lugu soo bandhigo sheekooyinka soomaalida, iyadoo ay soomaaliduna aad ugu badan tahay dalalka Iskaanfaneefiyanka” ayey tiri gabdha lugu magacaabo Ditte Maria Bjerg oo u warameeysay idaacadda raadiyo Iswiidhan, oo misna hadalkeeda intaa ku dartay in muhiim ay tahay in la helo shaqsiyaad soo bandhigga sheekooyinka soomaalida. Riwaaydan oo fikradeeda iyo ka qeyb galkeeda ay ka dhex muuqdeen soomaalida Iskaandaneefiyanka ayaa waxaa xusid mudan Moeisha Aaden, Jihaan Yussuf, Amal C/xakiin , Mustafa Axmed Jaamac, Axmed Daahir Huda J Cali iyo qaar kale oo iyagana masraxa ka muuqday.

Inkastoo riwaayadan tahay tii ugu horeeysay ee masraxa Opera lugu qabto, hadana dalalka Noorweey iyo Deenmark ayaa lugu soo bandhigay riwaayad la mid ah midii xalay halkaasi ka dhacday oo loogaga hadlay sheekooyinka soomaalida gaar ahaan dhalinyaradda.  Tanina waxeey aheyd mid soo jiidatay dareenka dadkii ka soo qeyb galayo. Dhaqanka iyo sheekooyinka soomaalida ayaa ah kuwo aaneey dadyowga dalalkaan Iskaanfaneefiyanka  ku noolo aan eey wax badan kala socon islamarkaasina heeysta oo kelita sawir qaldan oo ka duwan sawiraddii hore ee soomaalida ka hor, kuwaas oo lugu yaqiinay dad wanaagsan oo leh dhaqan iyo taariikh qurux badan.

Somaliska.com- Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here