Magaaladda Trollhätten oo shalay qoys soomaali ah labbo carruuro ah looga qaatay

0

Siddii aad wararkeenii hore idiin kugu soo gudbinay, waxaa magaaladda Trollhätten ee dalka Iswiidhan la qorsheeynayey in la qabto banaan bax loogaga soo horjeedo carruuro soomaali ah ee dhawaan ay xafiiska arrimaha bulshadda ka qaateen reer soomaali ah.

Banaanbaxan oo si nabad ahi ku dhacay ayaa ka soo qeyb galay dadweyne aad u farro badan oo meelo kala duwan ka yimid si ay dareenkooda murugada leh ula qeybsadaan carruuraha soomaalida ee waalidoontooda laga qaatay. Hase ahaatee sheekada kale ee cajiibka leh ayaa waxeey aheyd markii wax yar ka dib  kolkii uu dhamaaday banaanbaxii loogaga soo horjeeday hey’adaasi carruuraha qaadata, in la qaatay labbo kale oo carruuro ah kuwaas salka ku heeysa qaadashadooda eedeymaha la xirriirta hab la dhaqanka carruuraha. Tanooo dadkii yaab iyo fajaciso ku noqotay.

Somaliska.com ayaa ku hoowlan siddii ay u heliheyd warar intaas ka badan oo la xirriira carruuurahan shalay lugu qaatay. Waa ilmihii sideedaa ee muddo labo bilood gudahood magaaladda Trollhätten lugu qaato.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here