Magaalo ku taala Denmark oo hilibka doofaarka waajib ka dhigtay

Magaalo ku taala wadanka aan dariska nahay ee Denmark ayaa waajib ka dhigtay in hilibka doofaarka laga bixiyo magaaladaas. Siyaasiyiinta degmada Randers ayaa go’aamiyay in ay waajibtahay in hilibka doofaarka laga helo iskuulada, xanaanada iyo dhaman goobaha ay dowladu cuntada ku  bixiyo.

Go’aanka magaalada ayaa ka dambeeyay markii ay sheegeen in Muslimiinta halkaasi ku nool ay isbedal ku sameeyeen cuntada laga bixiyo iskuulada iwm maadaama aysan dooneyn in ay cunaan hilibka doofaarka. Waxay sheegeen in iskuulada qaarkood ay bilaabeen in ay bixiyaan cunto xalaal ah oo keliya, taasoo ay ka caroodeen dadka qaarkood.

“Fariinta aan diraynaa waa, haddii aad Muslim tahay oo aad timaado Randers waa in aadan dadka ku qasbin cuntadaada. Hilibka doofaarku waxa uu la midyahay hilibka kale” ayuu yiri Frank Noergaard oo ka tirsan golaha deegaanka isla markaana ka tirsan xisbiga cunsuriga ah ee Danish People’s Party.

Si kastaba ha ahaatee, hilibka xalaasha ah iyo cuntada uusan hilibka ku jirin ayaa wali laga bixin doonaa iskuulada iyadoo qofkii aan doofaarka cunin helayo cunto kale.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Abukar says:

    Halkee aaday dimuqaraadigi ey ku fiini jireen heer yurub, cidkasto waxa ey doonto ayey samey kartaa oo waa xur afka miyey noqotay kaliya. aduunka waa wareeg ee ilaahey berkasan muslimiintaf hoo mariyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. maxamed says:

    ASC waxaan kula talin lahaa dadka islaamka ah ineey wadamadooda unoqdaan, Kuna Sabraan dhibaatada taalla. Meeshaan cid inooga baahan majirto. Illaa Iyo aan raacno waxa aynaga rabaan Maahee.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. shaxshaxloow says:

    Asc
    Waa iska caadi wax dhibaato ah ma leh doonfaarkoida la ma cunaayo qudaar ayaa lagu badalanayaa.Xaalada mar dhow doofaar waa lays ka dhaagi doonaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0