Magaalooyin badan oo cabasho ka keenay qaabilaada qaxootiga

Dhowr magaalo oo ka mid ah kamuunada Sweden ayaa cabasho ka muujiyay qaabilaada qaxootiga. Dowlada Sweden ayaa isbedal ku samaysay sharciga taasoo Laanta Socdaalka (Migrationsverket) awood u siinaysa in ay qaxootiga dajiyaan kamuunada iyaga oo aan cidna kala tashan. Horay ayay qasab ahayd in kamuunka iyo Migrationsverket ay heshiis galaan.

Kamuunka Flen ayaa warqad ay u qoreen Migrationsverket waxay ku sheegeen in aysan doonayn in ay qaabilaan qaxooti dambe. Waxaa sidoo kale cabasho midaas la mid ah soo gudbiyay kamuunka Filipstad oo sheegay in ay faraha ka bateen qaxootiga soo galaya magaaladooda.

Siyaasiyiinta maamula kamuunada ay  ku soo bateen qaxootiga ayaa cabsi weyn ka qaba in taageerada xisbiga cunsuriga ah ee SD ay siyaado, iyadoo magaalada Filipstad ay SD heleen 16,9% doorashadii baarlamaanka Yurub halka Flen ay ka heleen 13,4%. Taas marka loo barbar dhigo Stockholm ayay SD heleen 5,3% oo keliya.

Qulqulka qaxootiga ka imaanaya Syria ayaa qaasatan culeys weyn saaray kamuunada qaarkood oo ku doodaya in aysan arintu ahayn in dadka guri la dajiyo oo keliya balse sidoo kale loo baahanyahay iskuulada, xanaanada, caafimaadka iyo adeegyo kale oo kamuunada yaryar aysan awoodin.

Dhinaca kale ayay kamuunada ku yaala baadiyaha Sweden u baahanyihiin qaxootiga maadaama Swedishka da’da yar ay ka guurayaan oo ay u baahanyihiin cid daryeesha waayeelkooda.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. hassan says:

    Asc dadka webka so booqda iyo qoraaga webka Saxiiib jimcaale dadka singelka xaladoda war iga sii yaa warka haayo mala hilmaamay qofkasto war ka haayo iso gudbiya waad mahadsantihin kuligin

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 9 Thumb down 5

  2. zaynab says:

    wcs waad salaamantihiin asxabta, dadka singelka kaliya mahane hataa dadki 2da sano wax aqbaar ah yaa kahaayo diidmaa wali dadka lasiinayaa waliba baryahaan aad ayeey dadka usiinayaan diidmada

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 3

  3. ma gabade says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 12

  4. hassan says:

    Maga bade sxb waad xasuunsan tahaye allah cafimaad haki siiyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  5. Abdi2001 says:

    To Magabade
    Qofka dadka aflagaadeynaayo, isku xishoow Ilaaheyne ka cabso, dambi ayaa ku sugan in aad dad walaalahaa oo islaam eh naclado.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. zaynab says:

    m gabade meel kalaad kacareesantahaye anaga hanagu soo qaraar bixin caradaada ladhimo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  7. hamse says:

    Kaas jaahilka ah waxba hala hadlina hadalkiinana haku khasaarinina, jaahilnimaa ka yeedhsiinaysa wax wa;ba Nacdashuna isagay kor taalaa uu dadka Muslimiinyta ah iska nacdalay, xaasid wadal makhruuq waaaye, meelahaas la aad waa nacdalantahay bulshada hagaagsan ilaahay kaa dhex qabaye.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0