Magaalooyin ka faaiiday soo galootiga

2

Marar badan waxaa la dhahaa soo galootiga faaiido uma leh Sweden oo qarash uunbaa ku baxa balse sida lagu soo qoray wargeyska Dagens Samhälle waxaa jira magaalooyin ka faaiiday soo galootiga oo la’aantood noqon lahaa goobo saxare ah.

Wargeyska ayaa sheegay in 36 degmo oo ay ku jiraan Sundsvall, Sjöbo iyo Gnosjö uu ku yaraan lahaa shacabka haddii aysan soo galootigu imaan lahayn. Mid ka mid ah maamulka degmada Sundsvall ayaa wargeyska u sheegay in soo galootigu ay badbaadiyeen magaalada Sundsvall.

Shacabka magaalada Sundsvall ayaa kor u kac ku yimid sanadkii la soo dhaafay kaasoo gaaraya 300 qof, balse haddii uusan soo soo galootiga imaan lahayn shacabka magaalada ayaa hoos u dhac gaaraya 183 qof ku imaan lahaa.

Magaalada Sundsvall ayaa sheegtay in ay doonayaan in kobaca soo galootiga ee magaaladaas uu sii socdo. Magaalooyin badan oo Sweden ka tirsan ayaa dhinaca kale diida soo galootiga iyaga oo aaminsan in aysan wax faaiido ah soo galinayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here