Magaalooyinka ugu nolosha fiican aduunka oo la soo bandhigay, kaalintee gashay Stockholm

4

Dhawaan waxaa la soo bandhigay magaalooyinka ugu nolosha fiican aduunka, kuwaasoo lagu qiimeeyay dhinaca dhaqaalaha, saxada hawada, isku socodka, guryaha iyo nolosha habeenkii. Sanadkaan ayaa kaalinta 1-aad waxaa qaaday magaalada Tokyo ee caasimada Japan, iyadoo ay kaalinta 2-aad gashay Berlin, Germany iyo sadexaad oo ay qaaday Vienna, Austria.

Caasimada Sweden ee Stockholm ayaa sanadkaan hoos u dhacday, iyadoo sanadkii hore gashay kaalinta lixaad balse sanadkaan ayay gashay kaalinta 10-aad. Sababta keentay hoos u dhaca ayaa lagu tilmaamay in ay adagtahay in laga helo guryaha.

Guud ahaan waa kanaa 10-ka magaalo ee ugu nolosha fiican aduunka ee uu diyaariyay wargeyska Monocle.

Tokyo, Japan

Berlin, Germany

Vienna, Austria

Copenhagen, Denmark

Munich, Germany

Melbourne, Australia

Fukuoka, Japan

Sydney, Australia

Kyoto, Japan

Stockholm, Sweden

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here