Magangalyo doonka oo lagu eedeeyay tuuganimo iyo dagaal

6

Magangalyo doonka ku xaraysan kaamka ku yaala kamuunka MÖNSTERÅS ee u dhow Kalmar ayaa lagu eedeeyay in ay tuugo nimo iyo dagaal ku soo siyaadiyeen magaalada yar. Shaqaalaah dukaanka COOP ayaa cabasho weyn ka muujiyay dabeecada magangalyo doonka.

Magangalyo doonka ayaa la sheegay in ay tuugo ugu dhaqaaqeen dukaanka COOP oo markii lagu qabtay dabeecada qaldan ay gadaal la galeen shaqaalihii dukaanka ka shaqeynayay, arintaas ayaa dhalisay in dhowr jeer Booliska loo waco balse taas xitaa xal ma keenin.

Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ayaa ku qasbanaatay in ay dukaanka COOP u kireyso waardiye joogto ah oo ay qarashkiisa qabaan. Shaqaalaha dukaanka ayaa sheegay in ay la soo daristay cabsi ka dib markii gacanta loola tagay markii ay qabteen dadka oo tuugo sameynaya. Maamulaha dukaanka ayaa sheegtay in aysan waligeed xaaladu sidaan noqon.

Dadkaan tuukada sameynaya ayaa la sheegay xitaa in aysan ka cabsaneyn ama ka war hayn kaamirooyinka waardiyaha ee ku xiran dukaanka. Si kastaba ha ahaatee dabeecada magan galyo doonka ku xareysan kaamka MÖNSTERÅS ayaa magac dil weyn u soo hooyay magangalyo doonka oo lagu shaabadeeyay in ay yihiin dadka tuugo u yimid Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here