Maleedahay Calaamadahaan? Hadaa leedahay fadlan dadka caawi

Ummad  waliba waxaa ay horumar ama dib u dhac ku sameeya waa qaab fakarka shabaabka ama dhalinta. Dhalinyaradu waa muraayada iyo muuqaalka mustaqbalka ummadda. Waa huganka bari, waa aabayaasha iyo hooyooyinka mustaqbalka.

Markaan dib u milicsano taariikhda dhalinyarada Somaliya waxaa la soo min guuriyaa in ay ahaan jireen halyeeyo waxaana ka garangartaa SYL tariikhda lama hilmaanka ah ee ay uga tageen dhalinyarada Soomaaliyeed iyo waliba Somaliya, taas oo inta aduunku jiro laxusidoono  waxayna taas ku mutaysteen waa wax qabadkii iyo guushii ay u soo hoyiyeen dadka Somaliyeed  iyo dalka oo dhan. SYL waxa ayka koobmeen 13 xubnood oo isku bahaystay in ay la dagaalamaan cadawga Somaliya waxayna isku dhaarsadeen gacmanaha isku qabsadeen midnimo, Walalnimo, Somalinimo, Islaanimo iyo wadaninimo taas bayna ka dhabeeyeen. Waxayna lahaayeen hadaf  ay tooganayeen oo ah in ay mar uun arkaan Soomaaliya oo xor ah, somaliya oo dawlada ah, somaliya oo qaran ah iyo somaliya oo somaliya ah.

Kuma ekeyn 13 xubnood oo kaliya ee waxaa jiray kumanaan iyo kumanaan garabtaagan oo naf iyo maal u huray hadafka iyo hanka wiilasha iyo gabdhaha  yaryar  kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumar.  Waxaa ka mid ahaa  gabdhaha tariikhdu xusto Xaawo Taako, Xaawo Osman  waxaa la yiraahdaa waxay dhalatay qiyaas ahaan 1925 waxayna ku dhalatay magalada muqdisho  waxayna dhimatay ama shaihiiday ayada oo ku jirta halgan dagaal xawo osman waxaa la sheegaa in ay ahayd naafo ka dhutida lug dhimatay iyada oo xanbaarsan cunug sida aad ku aragteen Taaladeeda taariikhdu markay ahayd 1948,  kadib markii gumaystihii uu si arxan la,aan ah oda uga qaday raasaas banaanbaxayaal ay ka mid ahayd.

Dhamaan waxay ahaayeen dhalinyaro ka dhiidhiyeey marxalada markaas jirtay iyo xaaladii ay ku sugnaayeen dhalinayarada Somalia waxaa lagu farin jiray marka uu garo 12 ilaa 20, waxii intaas ka danbeeya lagama sugi jirin wax dadnimo ah haduusan intaas inta u dhaxaysa ka soo dhalalin ficiisa  ama dadnimadiisa. Waxaana jirtay wax yabo lagu odarasi jiray garaadka ama dadnimada qofka. Waxaa ka mid ahaa  hadalada ku tusinaya ama daliilaha

-Wiil haduu 12 jiro oo lali ahaan waayo
-marti leeldhaxaad timid haduu loolka furanwaayo
-raganima lidiiskuma jirtee liicyaye ogada

Anigu waxaan maanta ku cabirayaa qodabadan hoos ku qoran dhalinyarada.  Hadaba waxaan ka codsanayaa dhalinyarada qofkii iska hela calamadahan in uu u istaago wax u qabadka umadiisa iyo naftiisaba. Waxaana  oran laha plz qalin iyo warqad ku qoro si aad isaga baarto in aad leedahay astaamaahaan ama sumadaan

1 matahay aqoon yahan
2 matahay geesi
3 maleedahay  balaaqad ( codkar)
4 ma u tahay looyar cadaalada (Dacad)
5 maleedahay  go,aan adag
6 matahay Qof  wax quurleh  (deeqsi)
7 matahy qof wax fahama (Deki.xariif.caaqil)
8 matahay mu fakar
9 maleedahay Han iyo hadaf
10 matahay aamin
11 matahy  wadani

WQ: Rooble

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. hibo says:

    MANSHA ALLAH ,WALAL QOF WADA AH MAJIRO BALSE QAAR KAMID AH IN AAN NAHAY WAA XAQIIQO ,EE MASIDII DHALIYARDII SOO HALGANTAY,MIYAAN HALGANAA,OO DADBAA LA XULAYAA SHEGADA IGA DABA GEEYA

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  2. Ahmed says:

    Wad mahadsathy rooble wa lobahanyahy mow ducan iyo kuwa lamidaba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. umu hani says:

    waa hadal wato murti iyo dareen qiimo badan xaqiiqo dhalinyaradi S.Y.L WAA DAAD MUDAN KU DAYASHO IYO IN LAHIGSADO balse yaa wadani ah ama garanayo qimaha nabada iyo dhibadata loso maray goobanima donki aleylehe maha waxa aan hilmami dono taarikhdi S.Y.L ADIGANA WAA KU MAHADSAN TAHAY WALAAL

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Samawada says:

    Waxaan nahay muwaadiniin dhab ah una daacad ah dadkooda iyo diintoda aqoona u leh xaqooda iyo xuquuqda umadooda se maanta meesha aan ku noolnahay waa qurbe qurbena cabudhin iyo maaha maanta meeshan meeshadi ee shibdheh aanku jirnaa se diyaar ayaan u nahay hadaan helayno sidii walalihii SYL oo kale se uma malaynayo in maanta la joogo wakhtigii qabyaalada la aasay maanta qabyaaladii ayaa soo noolatay wadani nimadiina waa dhimatay ee yaan la is daalin. somali illaahay ha unaxariisto dhamaanteed.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. mursal says:

    saaxiib waa arin fiican laakiin majiro qof wada leh arimahaan haduu jira soomaali kujiro laakiin labo ka mid ah hadii lahelo wax badan bay caawin kartaa waa 1 daacad iyo wadani sababtuna qofku haduu daacadyahay aamina waayahay haduu marka intaas ku darsado wadani waan u baaahanahay soomaali hadii aanu nahay laakiin waxaa yaaba qof waa qaldamikaraa dadka qabta maxaa loo la.yahay oo yiraa waxaan nooma cuntamaan hadii la waayo soo lama oron karo dadka baa dhan baa xun

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Ahmed says:

    masha allah waxaa mahdle allah waxaan u mahad calinayaa qoraaga mr Rooble

    waxaan kale o u mahdcalinayaa walalakeen jumcaale oo wax yabaha faa idada uleh bulshada noo soo bandhiga markasta waxaan leeyahay wali Syl waa nooshahay iyo dhalinyaro badan oo wadaini ah sida jumcaale Rooble iyo kuwa badan oo nabaraarujinaya waxaan aminsanahay in ay jiraan dad badan oo leh calamadahan laakiin yaa ka dhagaysanaya waxaa la yiri 14 iyo boqolkana aqaanaa yaa kaa dhagaysanaya waxaan oran lahaa somaliyeey ama dhalinyarooy kii intaas oo shardi buuxsha iyo kii ay ka dhimantahay hadan isku gaysano wax bay noqonaysaa ee aan isku celceshano oo gacmaha aan is qabsano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. To Umada Somaliyed says:

    1 matahay aqoon yahan
    2 matahay geesi
    3 maleedahay balaaqad ( codkar)
    4 ma u tahay looyar cadaalada (Dacad)
    5 maleedahay go,aan adag
    6 matahay Qof wax quurleh (deeqsi)
    7 matahy qof wax fahama (Deki.xariif.caaqil)
    8 matahay mu fakar
    9 maleedahay Han iyo hadaf
    10 matahay aamin
    11 matahy wadani

    Su’aalahan waxaad moodaa 80% inteena hada meeshaan aqrisey in nagala helayo ama aan naheyba dad buuxin kara, laakiin Su’aasheyda ayaa waxey tahey waxaan nahey Dad Taariiqdoodii iloobey Diintoodii Qabiilka ka hormarsadey, Tusaale ahaan nin cadaan ah oo wariye BBC da ka socda ah ayaa Ducmentry ka suubiyey Somalida iyo dhaqankooda waxa iigu yaabka badnaa ayaa waxey aheed markii inta badan dadka diintooda uu weydiinaayey iska ka dhahaaya muslin ayaan ahey wariyaha wuxuu leeyahey umadani dadka lamoodo mahan lol laakiin marka uu Qabiilkiisa weydiiyo iyo sida uu ugu qanacsan yahey ama diyaarka ugu yahey inuu u dhinto aad la yaabeyso, waxaa kasii qosol badan marka laga hadlaayo wadan kaagaga ka waran cidkale ayu ku eedeynayaa oo iskaba isu ma arko ninka qasya wadanka kuwada ee aan dantiisa garaneyn, Wake up Somilyeeeeeeeeeeeey hadi kale waxaad noqon dooontaan…………….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0