Malmö: Stortorget waxa uu la midyahay fagaarayaasha Muqdisho

6

Mid ka mid ah websiteyada cunsuriyiinta ayaa soo qoray mowduuc ay kaga hadlayaan in fagaaraha Stortorget ee ku yaala magaalada Malmö uu la midyahay fagaaraha Muqdisho. Qofka qoray mowduucaan ayaysan cadeyn in uu waligiis Muqdisho tagay ama xitaa in uu tagay Malmö.

Mubarik Abdirahman oo ah mudane ka tirsan goloha deegaanka ee Malmö isla markaana ku soo koray magaalada Muqdisho ayaa wargeyska Sydsvenskan wax ka weydiiyeen in fagaaraha Malmö uu la midyahay kuwa Muqdisho isagoo ku jawaabay:

“Fagaaraha Malmö wax uu kala midyahay Muqdisho ma jidho. Dhismayaashu isku mid ma ahan iyo isku socodka. Fagaaraha Muqdisho waxaa ka socota hawlo ganacsi oo balaaran balse kan Malmö wax dukaan ah kuma yaalaan.” 

Cunsuriyiinta ayaa u isticmaalaya tusaale Muqdisho in ay ku dhaliilaan magaalada Malmö oo ay dad badan oo soo galooti ah ku noolyihiin balse mararka qaar ayay iska soo qoraan hadalo macno daro ah. Bal muxuu ka garanayaa Muqdisho? Waa midkee fagaaraha uu ka hadlayo?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here