Maraykanka iyo Sweden oo heshiis ku gaaray wadaaga kaydka faraha

27

Dowlada Maraykanka iyo Dowlada Sweden ayaa heshiis ku gaaray in ay isdhaafsadaan macluumaadka ku jira keydka faraha ee fingerprintslabada wadan. Heshiiskaan ayaa Maraykanka xoriyad u siinaya in ay akhristaan keydka faraha Sweden iyagoo sheegay in qaasatan loo isticmaali doono baaritaanka waxa ay ugu yeeraan argagixisada.

Sidoo kale Booliska Sweden iyo dhowr haayadood oo kale ayaa iyagana heli doona fursad ay ku akhristaan keydka faraha Maraykanka. Heshiiskaan ay gaareen Maraykanka iyo Sweden ayaa loo soo bandhigi doonaa baarlaamanka Sweden bilaha soo socda iyadoo la filayo in la meel mariyo.

Cawaaqibka ay arintaan ku yeelan doonto shacabka Sweden ayaan wali cadeyn balse qaar ka mid ah quburada xaga amaanka ayaa sheegay in heshiiskaan uu Maraykanku ka heli doono faa’iidada ugu badan iyadoo ay dhici doonto in qaar ka mid ah dadka Swedishka ah loo diidi karo in ay galaan maraykanka ka dib markii farahooda la akhristay.

Inkastoo aysan meelna ku cadeyn in heshiiskaan uu ku jiro faraha Socdaalka ayaa haddii ay dhacdo in Maraykanka uu akhristo farahaas ay dad badan qaasatan Soomaali badan ku fashilmi doonaan oo horay Maraykanka sharci ku lahaa ka dibna Sweden iska dhiibay.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here