Maria Ferm oo la kulmaysa Soomaalida

Afhayeenka dhinaca socdaalka iyo xuquuqda ee xisbiga cagaaran (Miljöpartiet) gabadha lagu magacaabo Maria Ferm oo ka tirsan xubnaha baarlaaanka dalka ayaa bilowday iney booqato deeganada ay soomaalidu ku badanyihiin dalkani sweden. Maria  ayaa xisbigeeda u mataleeysay heshiiska ay dowladdu lagaleen oo ahaa sida Soomaalida reerahoodu loogu keeni lahaa iyadoo muddana ka shaqeeyneeysay arintaasi.

Maria  oo lagu soo doorto Malmö oo ah caasimadda 3-aad dalka Sweden ayaa waxaa ay ka qeebqaadatay muddooyinki ugu danbeeyay doodo laxariira arimaha mideeynta reeraha Soomaalida iyadoo si weyn uga hadashay warbaahinta dalka waxii ka danbeeyay markii ay si wada jir ah ugu wada dhawaaqeen iyada iyo wasiirka socdaalka dalka Sweden Tobias Billström.

Maria ayaa booqashadeeda ugu horeeysa ku tagi doonto xaafadda Hamarkulan ee magaalaad 2-aad ee ugu weyn dalka Sweden Göteborg maalinta isniinta ee ku beegan 17/10/2011. Sidaasi oo kale ayaa waxey Maria booqandoontaa Xaafadda ugu soomaalida badan magalaad Eskilstuna ee Fröslunda halkaasi oo ay kula kulmi doonto boqolaal somali ah kadib markii ay si rasmi ah u casuumeen somalida reer Eskilstuna 24/10/2011.

Xisbiga  MP ayaa waxaa uu heshiis wadashaqeeyn ah la gaaray Dowladda sweden si loo fududeeyo arinta mideeynta reeraha soomaalida ee muddo kala maqanaa markii uu saameeayay sharciga caddeynta shaqsiga oo shuruud laga dhigay

Mukhtar Yussuf 

Eskilstuna, Sweden 

 

Faafi mowduucaan

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. codka hala siiyo marya ferm says:

    ASC war waa gabar wanagsen ee siiya codka bro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. craxaman rooble says:

    asc jimcale bra lkin kulanka eey la sameyneeyso wa inad soo wareysataa adigoo u radinaya walalahada somaliyeed ee kala maqan mudo dheer aqbaar aay ku farxaan maxase soo qordhay mahad sanid jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Nuradin says:

    Maxey sokordhin karta gabadhan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. watani boy says:

    waa arin laku farxo wana ku mahadsanhaday mr jimcale sxb dadalka sii wad daariiqda ayuu kuu galaa inshaa allaah sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. buubshe says:

    marka hore illah ba mahad iska leh. jimcale sxb thanks warbixin dheri ah wana ka sukeyna insha allah . teda kale maria ferm waxa an dhih lah wa gabar wax ka fahamsani nolosha bini adanka sababto ah waxa e darentay in e kala nolan karin wil iyo walidkisa waxa an dhihi laha thanks maria ferm alor

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. ZaKi YaRe says:

    asc dhamaan asxaabta runtii waa arin fiican oona loo baahan yahay in eey hirgasho waan rajeey neynaa dhamaan hadii aan nahay soomali waana wax dan weyn noogu jira gawadhaan ladhahayo maria waan soo dhaweeyn doonaa waana u codeen doonaa hadii aanu aragno in eey safiican noola shaqeen doonto
    asc dhamaan by zaki yare

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. ZaKi YaRe says:

    asc dhamaan asxaabta runtii waa arin fiican oona loo baahan yahay in eey hirgasho waan rajeey neynaa dhamaan hadii aan nahay soomali waana wax dan weyn noogu jira gawadhaan ladhahayo maria waan soo dhaweeyn doonaa waana u codeen doonaa hadii aanu aragno in eey safiican noola shaqeen doonto
    asc dhamaan by zaki yare

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. mahdi abdi says:

    waad salaaman tihiin aqyaarta sha rafta leh sxb waxaan waydiin lahaa jimcaale ana goo kuumahad celinayno lasocsiinta aqbaarta buuxinta dadka qaangaaray waxaan kuxaraystay 15 sano 2009/5/ ilaahada oo aan joogo ayay kasoo wareegtay marka maxaga iswedan ayaa laka buuxin foomka mise anoo adis ababa kusugan ayaa buuxinaayo application ka wadadee ayaan mari waa su asha ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0