Maria Ferm oo faahfaahin ka bixisay heshiiska mideynta reeraha Soomaalida

22

Maria Ferm oo xisbiga Miljöpartiet u qaabilsan arimaha Socdaalka ayaa kulan ay la yeelatay Soomaalida ku dhaqan magaalada Göteborg waxay faahfaahin ka bixisay heshiiskii ay la gaareen dowlada ee la xiriiray mideynta reeraha Soomaalida bisha July sanadka 2012.

Mar wax laga waydiiyay dedejinta heshiiska ayay Maria sharaxaad ka bixisay sida loo sameeyo sharci badalida iyadoo sheegtay in xisbiga Miljöpartiet isku dayi doono dardargalinta arintaan. Mar wax laga waydiiyay caruurta aan waalidkood la socon iyo dadka aan wax isku dhalin ayay sheegtay in dowlada iyo iyagu ay ka warqabaan in ay jiraan nuucyo kala duwan oo familo ah isla markaana hada ay ku guda jirto in ay kala hadasho dowlada sidii xal loogu heli lahaa arimahaan. Waxay ka hadashay isticmaalka dheecaanka DNA iyo nidaamyo kale.

Mar wax laga waydiiyay caruurta da’dooda 18 sano ay gaartay iyaga oo dacwada u socoto ayay ka dhawaajisay in dadkaas loo sameyn doono xeer gaar ah maadaama sharciga Sweden uu ogolyahay oo keliya mideynta caruurta da’dooda ka yartahay 18 sano.

Sidoo kale waxaa wax laga waydiiyay arintii aan dhowr maalmood ka hor qornay ee maxkamada Socdaalka ay waalidiinta ku xirtay in ay keenaan cadeyn muujineysa in caruurtooda ay masuul ka yihiin maadaama caruurta 18 sano ka yar aysan dacwo xareysan karin. Waxay sheegtay xalka iyaga iyo dowlada ay ka wada hadleen in uu yahay in waalidiintu ay codsiga dacwada Sweden gudaheeda uga xareeyaan caruurta oo aysan caruurtu u baahan in ay safaarada dacwada ka xareeyaan kaligood.

Ugu dambeyntii ayaa sidoo kale waxaa waxaa laga wadahadlay sababaha loo diiday Soomaalida oo keliya oo dadka kale loo aqbalo iyada oo sheegtay in ay sababtu tahay baasaboorka Soomaliga ee aan la aqoonsaneyn. Waxaa sidoo kale wax laga waydiiyay dadka gudaha Sweden iska dhiibay ee sharciga aan lahayn iyada oo sheegtay in ay ka shaqeynayaan horumarinta imtixaanka luuqada iyo in codsiga magangalyada si cadaalad ah loo baaro.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here