Maria Ferm “yaan laa keenin qof qaldan wadanka”

Maria Ferm oo xisbiga Miljöpartiet u qaabilsan arimaha Socdaalka ayaa booqasho ku tagtay magaalada Uddevalla ee galbeedka Sweden. Maria oo halkaasi uu ku casuumay Gudoomiyaha jaaliyada Somaliska Förening i Bohuslän Abshir Macoow ayaa waxay ka warbixisay xaalada halka ay mareyso iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Waxay ka dhawaajisay in aan laga maarmi doonin in la qaado dheecaanka DNA si loo mideeyo waalidiinta iyo caruurtooda. Waxay sheegtay in familada aan caruurta isku dhalin iyo caruurta la soo korsaday in aan wali arintooda dhinac loo dhigin iyadoo balan qaaday in ay sii wadayaan ururinta fikradaha Soomaalida.

Maria ayaa ka dhawaajisay in ay muhiimtahay in la sugo amaanka wadanka oo aan la keenin dad qaldan sida ay hadalka u dhigtay. Waxay ula jeeday in aan la keenin qof aan familka ka tirsaneyn arintaas oo Soomaalidu caan ku ahaayeen, lana dhihi karo waa sababta ka dambeysa shuruuda adag ee la hordhigay Soomaalida.

Maria Ferm ayaa isbuucyadii u dambeeyay kulamo badan la qaadatay Soomaalidu ku kala nool daafaha Sweden sida Gävle, Göteborg, Eskilstuna iyo Uddevalla.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

26 Responses

  1. ifraax says:

    saaka waxa ugu horeya ifraax somaliska.com marka biisbilahi raxmaniraxim yahe marka xigta wa ariin waacan waayo nin ayaa iska keenayo naag uuna qabin naag ayaa iska keneysa siidokale marka dee wad iska dareemi karta dhibka ka imanayo meeshaa ninkii biire kamalin wuuxuu iska galay suuqa xiita hadii uu ku qabay haadan wax caruur ah aad isku lahayn wax kasta dhiicikara wa iga inta iyo macsalama reer somaliiska

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  2. somaliboy says:

    masha allah illah aya mahad iska leh neh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Nasteexo says:

    Jimcaale sxb waxaan ku weydinaa kormee baarlamaanka la horkeenayaa arinta mideynta reeraha ee ansixinayaan iika soo jawaab fadlan?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Abdiraxman says:

    Asc all asxabta somaliska gar ahan jimcale arinta dadkan wax iskudhalin goorme ayay waxkaso sarayan masi maxalaga filankaraa jimcale pro arintas waxad xogka heysid eguwaaco wad mahadsan tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. omar says:

    asc axbteyda dhamaan meel kasta ay dunida ka joogan gaar ahaan wallalkeen jimcale waa arin lagu faro mahadaasna allaah ayaa iskaleh waxana rajeyna hadii la fududeeyey kuwa caruurta isku dhaley insha allaah kuwa aan wax isku dhalina in illaah u fududeeyo wadna mahadan tihiin wabillaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. canab says:

    Asc waan idin salamay akhyaarta ku tacxan webka iyo kooxda somaliska .com inta ka dib walaalayaal ina la iska hadlo mahan ifraax qofka la baxayow waxan kala dardarmaya hadalada saxafada aad ku qoreyssid ka fiirso dabcan qpf run shegaya iyo qof beens hsegayaba ilah ba og midda kale beenta ad dadka ku qireysid ee weliba aad u getahy qof aan kala jeclayn in la keeno iyo in kale familada ana wax isku dhalin koley ilaah qofna kala´ma tashanayao lakin waxan ku leyhay u rajee umada kheyr waxyalaha khaladka ah ad ku soo qoreyso saxafadan iska dhaf wa iga talo hadii aa dhib u aragto warkeygana ka raali ahaow laakin dadka ceebhisa ma fiicna inad baartid webka keligaa ma aqrisid ama somlai keliya ma aqriso sida ula soco
    www

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. abdala adis ababa says:

    walahi soomalida waydhibaataysantahay dhibaatadana aygaa iskukeena oo dad lacadeen karo ma aha soomalinimadooda dhibka iskadaaya walaalayaal waxwaliba oo xumaan aad isdhahdid samee waykukusoolaabanaysaa is aamina dhexdiina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. abdala adis ababa says:

    labasano ayay naguhayaan cadeen keena iyo dad ayaan rebnay marka maantay ayay nagu dhaheen keena cadeen soomalinimo walahgi ficnaan laheedaa DNAaloow ay suurta kaliyaan arintaan haday dad maqqoolyihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. rashka says:

    asc dhamaan aqyarta waad salamantahin qasatan canab waxaan maleeyn in aad runta usheegtay ifrax walhi qoftaas qofaan udhiga wali ma arag hadalkey qortaa qaladwaye sababtane waXaan dhafin waay qof iskahadasha un waxaan dhahilahaa isxakamee web kaane ciyarta kadaaaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • canab says:

      asc walaal rashka iska dhaaf qofka ifrax la yira caqligeda aya laga gartaa waxa ay tahay xasidnimo iyo miisan laäaan qofku hadii uu isku darsado warkisa wax ka soo qad maleh waxad daremi karta qof aad wanag u shegtay hadana ceytamaysa maxa lagu qiimeyn karaa koleyba waa walashen waxayna ka mid thay inta wadanka warka xun iyo dhibatada kula dhex jira aaqirkase meel ayaa loo helaya ay ku degaan

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Assad-Jimcale says:

    Soomali maa arintaas dhaafeyso walaahi waan hubaa in eysan arintaas dhaafeynin meeqo naga ayaa walaalkeed nin keyga ku keentay meeqo nin ayaa walashiisa sidaas oo kale ku keenay meeqo ayaa leeman kala gadatay war aniga waxaanba jeclaan lahaa in qof danbe la keenin fy fan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  11. Jimcale says:

    Asc, Nasteexo iyo Abdiraxman…Baarlamaanka waxaa la filayaa in ay hor keenaann mooshinka kama dambeys bisha Maarso ee sanadka nagu soo aadan.

    Runtii way adagtahay in la saadaaliyo waxyaabaha ay ka keeni karaan dadka aan wax isku dhalin balse waxaa macquul ah in shuruud laga dhigo shaqo iyo guri. Sida hada jirta dadka aan Soomaalida ahayn ee isdalbanaya waxaa waajibka ah in qofka uu wadanka joogay 4 sano oo uu shaqo haysto.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. bishaaro says:

    Waxaan la yabay dadkan waar Jimacale waa qof ka shaqeeya jornaal ma aahan gudoomiye ama nin wax ka og ariimaha haddba wixi la dhaho ayuu soo sheega ee idinka maxa ula waxyootan sidi in uu og yahay wax walaba wax idinma dhamo maalinka meel shir ka dhaco ama jornaal kale wax so qoro buu af somali idinku so gudbiya markaas bad la so tagan tihiin Jimcaalow goorma la furaya ya oogaada asba familkisa dadkooda ka maqan marka ka leexda jimacale pzz

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. ifraax says:

    canab waxan u sheegaya ifraax ma oran ee waxa yiri sweden ee walaal macaanto dheg ifraax hooya dhashaye iyo wiiliba ninka u camiirayo naagta xuun

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • canab says:

      ASC dhamaantiin ifraax ha ceytamin nin walba wuxu yahay hadalkisa aya laga gartaa ilahay wuxu xayawaanka kaga duway wa inad xisaabtanto oo caqli wanaag u saxib ah isticmaasho ee hadaad iska hadasho sidi qof mentely retarded ah waxba laga faa’iidi maayo ee fadlan wax la qeybso dadka wanaagsan. mida kale waa la yaqan dadka beenta lagu keeno wadanka iyaga aya iska dhiga dad xaq ku yimid wadanka qaasatan kuwa aan naxariista lahayn ee wax ka dhiganay walaalahooda wadankii ku dhiban ee waxan ku leyahy meel dhexe ayaad ku dhuntaye cagta dhulka dhig yaadan jebine miskin yaro waxad tahay wadanka lagu soso qaldaye

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Nasteexo says:

    jimcaale wad mahadsantahay walalkey sida wanagsan iku soo jawabtay. teeda kale jimcale qofkii caruur ka jirto somalia sharuud miyaa laku xirayaa mase sharuud la,aan waye? walaal isoo jawab jimcaale.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. MACOW says:

    Marka hore waxaan salaamaya dhamaan walaalaha Soomaaliyeed oo xiiseeya Arimaha falilada kala maqan oo ah dhibaatada hadda dhabarka naga jebisay.Run ahaantii Aniga waxaan ahay nin xiriir joogto ah la leh Arimahan aadna u daba gala maalin waliba, Xalay waxaan ku casumay Mari Ferm Magaalada Uddevalla waxaa ay u timi waa in ay naga siiso warbixin buuxda Arimahan, Hadalka waa waxa ay hada gacanta ku hayaan waa Caruurta iyo waalidiinta kala maqan oo loo diyaariyay DNA, Laakiin Labada is qaba oo aan caruur isu lahey iyo Caruurta aadan dhalin ( Aad soo korsatay ) weli Labadaas Arin lama soo gabagabeynin Laakiin Baaritaan ayaa ku socda Waa sida ay hadalka u tiri, Laakiin Dowlad waxa uu qorshohooda yahay ama ay jecelyihiin sida uu Jimcaale idinku sheegay in lagu xiro shaqo qofkii raba inuu soo guursado Xaas cusub. Marka Inshaa Alaah waxaan idin balanqaadayaa wixii hadal oo cusub in aan idinku soo gudbin doono websidkan. Waxaana idinka codsanayaa dhamaan Soomaalida ku nool Sweden Muujiya dhibaatadiina, Kuna muujiya ISkuulada, Meelaha Praktiga,Xarumaha Caafimaadka, Xafiiska Ceyrta iyo meel walba aad kula kulantaan dadka u dhashay wadankaan Run ahaantii waan dhiban nahay Ilaahay wax qeyr qaba ha nala kulmiyo. Raali iga ahaad haddii aan idinka qaldamay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Ragiihore says:

    Nasteexadu dhagaha iyo indhhaba mayladahay jawaab lagusiiyay miyaadan aqrinkarin ? Uwaco sxbkkka hakuu aqriyeee maanta dhan ma su aaalaaa laguxiraaa aykuhaysaaa kuwa aan waxba iskudhalin guri ama afar sano wadanka majoogtay aaladhhihidoonaaa sida dadkale ee an somalida aheyn kuwa isdhalayna d,n,a, intaa kabadan xaadjireysey mise jimcaale.com kkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. bahal hoose says:

    asc marka hore waa idin wada salaamay kuligiin marka ilaahey nin walba muraadkiisa hausahlo teeda kale bogaan yaan lagadhigin meel lagudagaalamo yaana leysku mashquulin dadka isku rayi maaha isku fikrad maaha teeda kale dumarka yaan lagadabaqaadanin qafki jimcaale suaal weydiiyo isagaa ujawaabaya marka hana leysku sabro waxwalba ilaahaa noosaqirayo wax walbana waxey kuxeranyihiiin samirkeena anagana ilaahada wax samir kamuuqdo majiro meeshaan yar ayaaba lagu heshiin la yahay bogaan .marka ilaahey tobta soosan hana waafajiyo mahadsanidiin hadaan qaldamay iga raali ahaada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. abooto says:

    asc waa ku faraxsanahy in nagala qaado dheecaan laakiin maxay tahay amaanka wadanka ay sheegeyso ilmo masaakiin ah ayaa ku dhibaateysan wadamo islaameed oo hooyo iyo aabe heysan wadankaana waa wadenkii aan u soo qaxnay anagaa jecel in aan ixtiraamno wadanka iyo dadka ku nool marka dowlada swedan waxaan ka cosaneynaa in ay na dareemaan arkaan sida aan u dhibaataysanahay ilmaheenana aan aad ugu baahanahay waxaan joognay wax badan anagoo murugeysan waa in ay na fahmaan wadankeena ilaah nabad hanooga dhigo amiin by iqyaarta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Bile n. carale says:

    Asc ww,dhamaan isku daba ridayaasha barnaamijkaan ,kadib aan ugalo mawduuca sxb Jimcaale waxaan aniga leeyahay waa n laqabaa arainta ay kadhawaajisay Maria oo ah xaga amaanka waa muhiim in wadankaan lakeeno caruur ay masuul kayihiin 2da waalid oo dhalay maxaa yeelay caruurtaas waxay layimaadaan oo wanaag ah waxay sumcad utahay waalidka haday layimaadaan xumaan iyo amaandarana waxaa masuuliyad xumo kudhacayso waa 2da waalid,maerka sidaa daraadeed waa inloo arkaa wax sax ah oo aan xumaani kujirin midakale caruurta lakeenaayo hadii DNA laga qaado ay waalidkii dhalay uyimaadaan waa arin mudnaanteeda leh ,midka lasoo korsaday dhibaatooyinbadan ayuu laimaankaraa asagoo masuugaayo waalidka inaysan dhalin kadibna si niyadjab ah usamaynaayo waxyaalo aan raali galinaynin waalidkii keenay meshan iyo bulshada uu lanool yahay.Marka aniga waxaan qabaa in meesha laga saarabo ruux lasoo korsaday,wabilaahi tawfiif ,wxaan idiinka codsanayaa hadii aan wax qalday in layga raali ahaado,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  20. Abdiraxman says:

    Asc jimcale walal aadbad umahad santahay sida sharafta badan ad ega sojawabtay shaqadada alaha kulagarab galo somali weywarbadan tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Istiila bologna says:

    Runti dowlada sweden dadki wa wareerisay aduunka cunug iyo waalidkis la isku diidayo ama naag iyo ninkeda oo la isku diidayo madhicin sweden aya lagu arkay taas war dad xaquuqdina udooda raadsada wlh dhib weyn aya idin heyste ilaahey ha idin fududeyo walalayal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. nadaara says:

    marka hore salaan soomali weynneey. dowladaan sweden waxay nacdey soomalida waxayna ku nacdey dibishiliin xummo iyo iyagoo horu mar leheen siiba waxaan is dhihi kaaa waxaa imaadey sweden dadkii tuulooyinka soomaaliya ku noolaa marka ayagoo aalba islaam neceeb dunida kusoo kordhey aa soomaalina waxa ausi dheer arimahaas si ey noo dhahaan idinma rabnee naga baxan afcad waa sameen waayen ciyaalkii iyo waalidkiis ey kala xireen maxaa kaxun maciyaal yer yer aa is dabiri karo misse waaliddaa bilaa ciyaalkiisa noolaan karo wey osoon yihiin ee amay naga tagaan markan isku diidno ey is dhahaayeen wana socon weysey ee soomaaliyeey is toosiya idinka dib isugu laabta dhaqankeenii fiicnaa iyo asluubta iyo nadaafadana
    ku dadaala sasaa iga talo ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Samsam says:

    Hore ba lo yedhi beentada hore waxay dumisaa runtaada dambe.Waxan oo dhiba inaga isku wacan ee waxba yaana gaalada lala yaabin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0