Markabkaan dalxiis oo laga dhigayo xero qaxooti iyo Swedish badan oo ka carooday

8

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) iyo shirkada leh markabka dalxiiska ee Ocean Gala ayaa heshiis ku galay in doontaasi laga dhigo xero qaxooti oo badda sabaynaysa. Qorshaha ayaa ah in doonta ay guri u noqoto 1800 qof oo qaxooti ah, iyadoo ku xirnaan doonta dekadda magaalada Härnösand ee waqooyiga Sweden.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka degmada Härnösand ayaa qeylo dhaan ka muujiyay arintaan iyagoo sheegay in aysan habooneyn in dad sidaa u baddan hal meel la wada-dajiyo, taasoo keeni karta dhibaatooyin xagga amaanka ah. Maamulka kamuunka ayaa u muuqda kuwo diidi doona in doontaan ay ku soo xirato dekadda magaaladaasi Balse Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in aysan ogolaasho uga baahneyn maamulka degmada.

Markabkaan ayaa ah mid loogu talagalay in ay si raaxo leh ugu dalxiisaan dad gaaraya 800 qof balse haddii loo baahdo ayuu qaadi karaa 1840 qof. Haddii markabkaan laga dhigo xero qaxooti ayaa shirkada iska leh waxay bishii faa’idi doontaa 15 milyan oo karoon oo ay bixin doonto dowlada Sweden.

Arintaas ayaa ah mid aad uga careysiisay Swedish badan oo ku doodaya in arintaani ay tahay mid xad-dhaaf ah isla markaana laga badbinayo koolkoolinta qaxootiga. Qaar ayaa ku doodaya in aysan guri haysan isla markaana qaxootiga la dajinayo markab dalxiis.

Sidee kula tahay arintaan? maku saxsantahay Migrationsverket in ay qaxootiga dajiso markabkaan?

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here