Masaajid baraf laga sameynayo

1

Maamulka Hoteelka caanka ah ee laga sameeyo barafka ee ku yaala magaalada Jukkasjärvi oo u dhow Kiruna ayaa qorsheynaya in ay dhisaan Masaajid guud ahaan ka sameysan baraf oo laga gees dhiso kaniisada barafka ka sameysan ee sanadkasta halkaasi laga sameeyo.

Hoteelka lagu magacaabo Ice Hotel oo ah goob caan ah oo dalxiisayaal caalamka oo dhan ka kala yimaada ay booqdaan ayaa sanad kasta waxay dhisaan kaniisad baraf ka sameysan iyadoo sanadkasta ay kaniisadaas isku guursadaan dad ka kala yimid 150 wadan.

Imaamka Musliimta magaalada Jukkasjärvi  Mahmoud Aldebe ayaa sheegay in uu rajeynayo in dhismaha masaajidka barafka ka sameysan uu isku soo dhaweyn doono dadka diimaha kala duwan. Waxaa hada wada shaqeynaya imaamka iyo agaasimaha hoteelka Ice Hotel si looga dhabeeyo arintaan. Waxay filayeen in mashruuca la bilaabi doono jiilaalkaan balse waxaa la filayaa in si rasmi ah loo bilaabo jilaalka xiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here