Masaajid cusub oo laga dhisayo Linköping

Qorshaha masaajid cusub looga dhisayo magaalada Linköping ayaa dardar ku socda iyadoo hada ay bilaabatay doorashada goobtii laga dhisi lahaa masaajidka. 9 boos oo kala duwan ayaa la soo bandhigay oo midkood laga dhisi doono Masaajidka. Isbuucaan ayaa la soo tusay dadka agaasimaya mashruuca Masaajidka boosaska loo diyaariyay.

Boosaska la soo bandigay ayaa ku kala yaala xaafadaha Berga, Lambohov, Ryd, Skäggetorp, Tannefors iyo gudaha magaalada Linköping.

“Waxaa naloo soo bandhigay boosaska kala duwan, runtiina waa adagtahay in aan kala doorano” ayuu yiri injineerka naqshadeynaya Masjidka Adnan Muhsinovic.

Naqshadeynta Masaajidka ayaa u baahan hawl dheeri ah maadaama la doonayo in loo jeediyo qiblada iyo in minaarad loo sameeyo. Adnan ayaa sheegay in Masjidka cusub laga dhigi doono mid si casri ah loo naqshadeeyay.

Dhismaha masaajidka ayaa hada ku xiran ogolaanshaha naqshada iyo in lacagtii lagu dhisi lahaa la soo ururiyo. Masaajidka cusub ayaa la filayaa in uu diyaar ku noqdo mudo 2 ilaa 3 sano ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. aabbe says:

    maasha alaaah waa wax lagu farxo ilaaah muslimiinta meel kastooy joogaanba ha caawiyo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. DHOOL says:

    mansha allah mansha allah waa farxad in beeydka ilaheey ladhiso

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Turaabi says:

    Allahu Allahu Allahu Mansha’allah mansha’allah Mansha’allah wa farxadw ayn oo uso hoyatay Musliminta dhamantod Gaar ahan Reer Sweden iyo khaas ahan Reer linköping
    Waxan ugu baqaya dhaman musliminta mel walbo ay jogan in Masajidkan lacagtisa Lo istago Allahna waxan ugu baryaya walalaha isku tagay Baydk Allah in allah ufududeyo Ameen Ameen Ameen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Aadan deeq says:

    waa kheer inoo sosiyaday ilaahey haguuleyo walalaha u istagay howshisa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Aadan deeq says:

    waa kheer inoo siyaday ilaahey haguuleyo walalaha u istagay howshisa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. maria mahomud says:

    asw waa kheyr allaah ha ku guuleeyo walaalaheena kheyrkaas u istaagey…

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. HUBAAL says:

    MAANSHA ALLAH WAA ARIN AAD IYO AAD U FARXAD BADAN ALLOOW RUN KA DHIG OO FUDUDEE DHISMAHA MAASIJIDKAAS LINKÖPING AAMIIN.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. mohammed nuh says:

    maansha allaah waa arin farxad uleh dhamaan ummada muslimiinta meel walbooy joogaan dadka soo qabanqabiyay arintaan allaha ka abaal mariya dadka dhisaayana allaha u fududeeyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0