Masaajid lagu gubay Norrköping

Masaajid ku yaala xaafada Hageby ee magaalada Norrköping ayaa xalay dab qabsaday iyadoo la aaminsanyahay in dabka si kas ah loo qabadsiiyay masaajidka. Xalay saacadu markay ahayd 01:00 xiligaas oo ku beegan salaada tahajudka ayaa masaajidka dhowr qeybood dab ka bilowday.

Booliska iyo dab dambiska ayaa durbadiiba goobta soo gaaray, iyadoo ugu dambeyntii lagu guulaystay in la xakameeyo dabka balse masaajidka ayaa waxaa soo gaaray burbur aad u balaaran. Cidna wax kuma kaarin dabka.

Booliska ayaa goobta xiray, iyagoo sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan sida wax u dheceen. Balse waxaa la aaminsanyahay in dabka si kas ah loo shiday.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

10 Responses

  1. Diini says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 10

  2. oamar says:

    waxaa gubaye galda oo doonayo ineey islmaka iyo iska horkeeynaan doowlad marka dadka islamka waa ineey taas ogaadaan macanha loo gubaye masjidka waa taas

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  3. mr bean says:

    Diini kan LA baxay ma sidaas ayaad iskaga dhigaysaa mid diinta wax ka yaqaano’ aayadaha dhaadheer ee Taajudka Lagu tukanayo miyaad intaad awoodi wayday’ Mar marsiiyo samaysanaysaa’ a deer hadaba aan anigu Ku qanciyee isku mid iyo isku ajar ma tahay Salaad aad masaajid Ku tukatay iyo mid intaad aqal Ku tukatay shaydaana kula camiray kadibana waxaad tukatayba garan waydo. Nacas adigoo kale ah ayaa shaydaan Ku noqonaya Bulshada ilaahay caabudaysa wuxuu bawsadayna iska sheegaya ‘ dalo ayuuba samaysanayaa ‘ sidii waxaad u hadlaysaa in aan Masaajidba loo baahnayn mawduuca laga hadlayo soo faham dhoorayahow Tahriibka kusoo galay wadankan gaalada.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  4. Salmaan says:

    #Diiini ilaa hada aayad iyo xadiith kaama haayo aniga waan kuu keena hadaa la timaado aayad iyo xadiith THNX

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  5. abdi asis says:

    waxaan la yabay maxeey somalida iyaga kali aay isku cunan melwalbo ark labadani nacas oo wax iska shegayo labadoda yaa aqli miran ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. shaadiya says:

    Caqli saliimka ah ayaaba garanaya in ajar masaajid iyo mid guri ilaahay aanu simin. Salaad kasta ha ahaatee Mr.bean dadkan aqoon daraa qaarkood haysa sida walaalkenan iska fatwooday ee Diini LA dhaho. Abdi Asis Caqli isku yeel’ Qofka Bulshada xumaan ka dhex wada ee qaldama waa LA qabanayaa hadaad wax garanaysid ninka xikmadiistaha ah waa wiilka wata Mr bean xoogaa wuu yara caytamuune malaha wuu adkaysan waayay se wuu saxanyahay. Salaadana Jamacaa ugu qiimo badan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. Diini says:

    marka hore wan ka xumahay meel diin looga baahan yahay in lasoo caaytamo cidii aayad ama xatiith heysa ama wax sax ah waa ku qancin kartiin walaalkiina waxa ka maqan lakin mar hadiiba aad soo caaytanteen waxaa meesha ka cad inaa tihiin kuwa dadka baadiyeeyey waa adinka mar kasta kusoo booda ayaad iyo xadiith hada waxaan ka hadlay kaliya salaad jameeca ee maanan ka hadlin salaada tahajudka ajirkeeda iyo in aaysoo aroorin in la dukado adinkoo si degan usoo jawaabaayo waxan idinka codsanaa inaa ii keentaan meel Nabiga scw uu ku dushiyey saxaabada ama meel saxaabada aay jameeca ku dukadeen salaad tahajud marna adinkaa jideenaayo wax aan aayad iyo xadiith midna kusoo aroorin marna adinkaa diidaayo waxba caay iyo dood uma baahni waan aqaanaa qofka aad u nasab sheegataan waa midka idin baadiyeeyey oo diinta qaab qaldan idin fahansiiyey adinkaan qeelinaayo cidii aayad ama xadiith cadeyneesa in tahajud jameeca lagu dukado ama rasuulka iyo saxaabada aay dukadeen ii keena, kuwa leh salaat guri lagu dukaday iyo mid masaajid isku ajir miyaana waxaan dhihi lahaa midaas maba taalo ee waxa aan ka hadlaayo waa tahajudka oo jameeco lagu dukado cilmi iyo diinba dagaal iyo caay ma u baahna cidii wax isku heyso ha ila imaado wax cad, hadii aad heynina kuwa idin soo fadwooday in jameeco lagu dukankaro salaada tahajudka ayagaan ka rabaa cadeyn iyo cidii aay kasoo aroortay….

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. Diini says:

    salmaan adiga waxan kaa rabaa aayad ama xadiith ama asxaabtii iyo taabiciyiintii ama wax laga soo wariyey in jameeco lagu dukado tahajudka, cid Alle cidii ii haaysa cadeyn ha iila imaado kuwa caaytamay waa kuwa aan waxba isku heynin oo diinta maanta sida aay rabaan ka yeesho

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. shaadiya says:

    Diini kan LA baxay waar adeer dalo haigu meeraysan’ ninka salaatul guri amaanow sifada aad salaada taajudka Kali uga dhigtay iyo in guri lagu tukado ee aad ajarkeeda uga saraysiisay tii qiyaamu laylka masaajidka ilaahay lagu caabudayay daladeeda iyo ayaatka kasoo arooray ee leh masjidka aqalkaa ayaa ka khayroon salaada taajudka keen waan kaaga fadhinaa anakaad laba eray noosoo bawsanaysaa maasaad mar marsiiyo samaysanaysaa deetana barta bulshada waxaad rabto I saga soo qoraysaa diinta aaraa iyo fikir maad mooday la dhiibanayo nin yahow Bayaan LA kaalay waxaad rabtana ha iska sheegin ilaahay u noqo waxba garan mayside.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. Diini says:

    Shaadiya marka hore wad mahad san tahay, ka dib comment geyga si fiican u aqri ka dib jawaab soo qor, aniga salaada tahajudka in kaliya salaat jameeca lagu dukan karo ayaan cadeynteeda idinka rabaa, cid diidan ma jirto fadligeeda iyo ajirkeda ma laso koobi waana salaat aad u qeer badan, lakin arinta kaliya aan rabo ayaa ah adinkaan iska qeelinaayo ordaha ku noqda kuwa diinta fasahaadka oo waxa aay rabaan idin fadwoonaaya soo su’aala cida laga soo xiktay ma Rasuulka scw ayaa jameeca dushiya mise saxaabadii ayaa dushiye jameeca, salaadaha farad iyo suno sida aay kuso arooreen oo jamhuurul islaam kaga soo dhaxleen asxaabtii iyo taabiciyiinta kaliya ayaa loo dukan karaa waxna ma laga dhimi karo mana lagu soo kordhin karo marka dooda iyo af soomaaliga leedinku soo marin habaabiya inta iska deysaan ku laabta kuwa aad wax kasoo aqrisataan ee weediiya aayada ama xadiithka na faraayo salaat tahajud jameeca ah ama saxaabi laga haayo taabici laga haayo in aay sameeyeen hadiise la dukan karo maxaa loo dukan waayi ramadaanka tobanka hore ama dhexe yaase na faray inaan tobanka dambe kaliya dukano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0