Masaajida ugu weyn Sweden oo la basaasay

21

10-ka masjid ee ugu weyn Sweden ayaa waxaa basaasid ku sameeyay telefishinka Sweden SVT barnaamijka basaasida ee lagu magacaabo ” “Uppdrag granskning” iyaga oo u diray haween kaamiro qarsoon lagu soo xiray.

Labo haween ah oo midkood ay tahay haweeney Islaamka ka baxday ayaa waxaa loo soo galiyay niqaab iyagoo lagu xiray kaamiro qarsoon. Haweenkaan ayaa booqasho ku tagay 10 masaajid si ay ula kulmaan imaamyada masaajida una weydiiyaan talooyin ku saabsan arimaha qoyska. Ujeedada ayaa ahayd in la ogaado waxyaabaha ay aaminsanyihiin imaamyada. Arintaan ayaa keentay fadeexad in imaamyada qaar ay hadalo kala duwan yiraahdaan markii ay haweenka la kulmeen iyo marka ay dadka kale la kulmayaan.

Su’aalaha haweenkaan ay weydiiyeen imaamyada Masaajida ayaa waxaa ka mid ahaa: Ma loo ogolyahay in ninkeygu oo hal naag ka badan guursado? Haddii ninkeyga uu gacanta ii qaado booliska maku dacweyn karaa? Haddii aanan diyaar ahayn ninkeyga maka diidi karaa galmada?

6 ka mid ah imaamyada ayaa kula taliyay haweenka in aysan booliska ku dacweyn ninkooda xitaa haddii uu gacanta u qaaday. 2 imaam ayaa si cad ugu amray haweenka in ay dacweyaan ragooda. Sidoo kale 6 imaamyada ka mid ah ayaa kula taliyay haweenka in ay la seexdaan ninkooda xitaa haddii aysan dooneyn. 9 ka mid ah imaamyada ayaa u sheegay haweenka in raggu ay xaq u leeyihiin in ay guursadaan hal dumar ka badan, iyadoo ay ogyihiin in sharciga Sweden uusan ogoleyn in hal dumar ah ka badan lagu guursado wadankaan. 1 imaam ayaa u sheegay haweenka in uusan ninkooda guursan karin haween kale maadaama uu Sweden ku noolyahay oo la doonayo in uu raaco sharciga wadanka.

Arinta ceebta ah ayaa ah in markii ay wariyaasha ka socda  “Uppdrag granskning” ku laabteen labo ka mid ah Masaajida laga duubay kaamirada qarsoon isla markaana wax laga waydiiyay isla suaalihii ay uga jawaabeen si ka duwan sidii ay dumarka ugu sheegeen. Gudoonka masaajidka Uppsala ayaa telefishinka u sheegay in imaamka haweenka talada siiyay uu ka hadlay fikradiisa balse aysan ahayn arin Islaamku fasaxayo arimaha uu ka hadlay.

Maamulka Masaajidka ugu weyn Stockholm ee ku yaala Medborgarplatsen ayaa markii loo bandhigay kaamirada laga duubay ninka u qaabilsan arimaha qoyska oo haweenka kula talinaya in aysan booliska ku dacweyn ninkooda oo gacanta u qaaday, isla markaana ay okey tahay in uu ninkoodu haween kale guursado ayaa maamulka Masaajidku go’aan ku gaareen in shaqada laga cayriyo imaamka.

Arintaan lagu sameeyay Masaajida ayaa ah shirqool loogu tala galay nin lagu magac dilo Muslimiinta iyo Islaamka balse waxaa uu muuqada in imaamyada ka hawl gala Masaajida ay ku dheceen shirqoolka iyaga oo hadalo isqilaafsan u sheegay saxaafada iyo haweenka basaasiinta ah. Imaamyada qaarkood ayaa hadalkooda laga dheehan karaa in ay been u sheegayaan dadka qaar, arintaas oo ceeb ku ah dadka hogaanka u haya Muslimiinta.

10-ka masaajidka ee lagu sameeyay basaasida ayaa waxay kala yihiin Stockholms stora moské, Islamiska kulturcentret/Rinkeby, Göteborgs moské, Örebro moské, Sundsvalls moské, Imam Ali Islamic Center i Järfälla, Islamic Center i Malmö, Uppsala moské, Salsabil kulturcenter Malmö iyo Bellevuemoskén

Halkaan ka daawo barnaamijka oo dhamaystiran.

http://svt.se/ug/muslimska-ledare-uppmanar-kvinnor-till-underkastelse

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here