Masiibada abaaraha Soomaaliya iyo doorka bulshada Sweden (video)

Sida aad la socotaan Soomaaliya waxaa ku habsatay abaar la sheegay in ay tahay midii ugu darnayd mudo 60 sano ah. Waxaa lagu qayaasay sadexmeelood 1 meel shacabka Soomaaliyeed in ay saameyn ku yeelan karto arintaan oo dhowr milyan ay qatar ugu jiraan in ay baahi u geeriyoodaan.

Abaarahaas ayaa dadkii waxaa u sii dheer colaad aan dhamaad lahayn, waloow ay adagtahay waxka qabashada colaada ayaa hadaana waxaa jira fursado lagu taageeri karo dadka ku dhibaateysan abaaraha. Haddii aysan Soomaalidu isgargaarin cidi gargaarimeyso.

Waxay ila tahay haddii aan nahay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden in ay na saarantahay masuuliyad in aan taageero u fidino walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan abaaraha oo qofkasta uu bixiyo wixii awoodiisa ah. Waxaa hubaal ah haddii qofkasta 100kr uu taageero ku bixiso in lagu quudin karo kumanaan qof balse waa haddii la helo cid aamin ah oo qaada masuuliyada ururinta taageerada iyo gaarsiinta dadka mudan.

Waxaan ugu baaqayaa dadka waxgaradka ah iyo kuwa bulshada magaca ku leh in ay hore u soo istaagaan oo hogaanka u qabtaan sidii taageero loogu fidin lahaa Soomaalida u la’aneysa baahida. Waa in aan abaabul ka bilownaa magaalo iyo tuulo kasta.

Walaahi waan ilmeeyay markii aan daawaday videoga hoos ku jira oo ay duubeen Al Jazeera. Aan ka kacno fadhiga oo aan isku gargaarno. Sidoo kale Allah aan u barino in uu dhibaatada naga saaro.

Ny%20katastrof%20hotar%20Somalia

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. ABDI YARE says:

    asc dhaman asxabta waad mahadsantahay jimcale aniga malin hore coments ayaan uga hadlay arinka abaaraha marka ayaamahaan diirada ha la saaro dhanka wadanka hadii aan wax bixino wax ayaa na soo galayo xitaa sweden culeska wa naga qaadesaa insha allah walahi xalad tii ugu xumeyd ayaa ka jirto ilaah ha idiin naxariistee wax ha la hormarsado mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. faduma says:

    asc.waa arin murango badan no ah dhaman umada somaliyed melkasta ee jogan, inkasto tawarta ee yartey xagina,waxan taganahay camp ku yalo magaalad gallivare inte ku dirna sii an u cawina waxan yare an helno in kabixo wixi tawarteda ah an ku cawino walahen ku dhiwatesan dalka somaliya,lakin xage ku dirna ayan naga qaadiyo suasha wa tasi,afka somaliga kuma ficni iga rali dooqda.asc

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. hamdi says:

    asc walalayal inaali laahi wa inaa ilayhi rajicuun runii waa arin murugobadan musiiba kuhabsatay dadkenii iyo dalkenii shaydamada indhaha soo xirtay uma masakinta soobarakicinaya oo abaro haystan galabta universal wxaankadawanayay manta kali 600 inay soogartay mugdisho oo xolohoodinakasodhamaaden caruru wayel intii ugutabar darnayd bani adamka aya meshas lagu arkayay runtii waxa hadashay hooyo somaliyed wxay shegtay wiil ay dha shay iyo xaaskisii iyo caruru aydhalen inay lasocden balse jidka ay uga soogeriyodeen muqdisho waxa sogaray ayadoow ayel ah mesha intii wariyuhu tagna waxa ku naf baxday oo saxafadu soo dayn aysay warkoosocda gabar yar oo kamid ahayd yaa rabi wa murugo xanuun badan wlalayal hadan is birsano wan cawinkarna dadkena wax yar oo dadbadan iskudaran waxay noqdan wax wayn rutni bahidooda ilahay aya awoda inu daboolo asaga qani ah gacan adane wax laga sugayo dhamaystir malahano wa adanae wa wax iska yar marka ale ayan u baryayana waxan uma somaliyed adunka kunool leyahay halo istago umadas bulshadan swedan kunool ee somaliyed wxan leyahay fadhiga halaga kaco 3 waqti mahe 5 waqti ayan wxa cuna ilahay an uga baqno wlalaehn cawimad an u fidino wan sinkarna qofki an awodin 3 da waqti wax hakasojaro masuliyinta somaliska wxan leyahay waxatihiin iskuxirki umada waxatihin gesiyashi somaliyed ee dhiirana usameya barnamijyo arintasna u istaga wlalayal umada somaliyedna waxn leyahay ilahay barya oo isaga ku kalsonada una samra waimtaxan wad kabaxaysan insha alah wayahan danbe dhib aya imatay halka wagii hore hadii dhibtan ook

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  4. hamdi says:

    wagii hore umadu haday abaro qabsdan ilhod ayay baryiiren roobdoon salad bartyo ad ufarabadan iimankoduna wuxuu aha mid kuxiran ale wagan danbewaxad moda umadi inay ialwen inuyahay risaquhu ale oo ay gacanta u horsaden hay ado subaxanalahi ale u toobadkena umadan indhe waxa u ah culumada isamka wxan orankara doorki umadan kaga adana waa ay ka gabshen dhankastaba inta ay hayan ale ha ka ajarsiyo balse kabadan ayan ka sugayna umadan dhibka inay ale u baryan cilmina lakashadan oo ay u istagan ayan ada ugu han wayanaay insha alah wixii an qalday ilahay ayan qaldamine ale hanoo dambi dhafo wabilahi taowfiiq asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  5. muhamed says:

    wllahi waa wax laga naxo runtii sidaa lasacono quuf waliba maliin ayuu dhimanaa tasi waa lasacona marka walalayal waxa nishegeyaa sidaa ula sacotan waxa jiro umad somaliyed misana dhibatesan runtii illah waxu dhahayaa isku naxarista anigana waa nii naxarisan donaa marka umada somaliyed meel waliba aad jogtan waxa nigu baqayaa inaa unaxarisatan walalihiin somaliyed oo ku bahan dalka gudihiisa plz waa iga codsi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. shariifka says:

    asc dhaman asxaabta and ramadaan kariim run ilaahey ayaa naga qaadi karo nibaadan asxbey soamlida wey isku gar garaan waliba si heer sare ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0