Masjid ku yaala Stockholm oo muslimiinta laga xirtay

Masjid ku yaala xaafada Husby ee duleedka Stockholm ayaa waxaa laga xirtay Muslimiintii ku cibaadaysan husby-moskelahayd halkaasi oo isugu jira ragg, dumar iyo caruur. Xiritaanka Masjidka ayaa ka dambeeyay ka dib qilaaf soo kala dhex galay madaxda jaaliyada (Husby Islamiska Kultur Center) iyo xubnaha jaaliyada.

Jaaliyada oo qaabilsan maamulka masjidka iyo maareynta qarashka soo gala masjidka, ayaa la sheegay in mudo dhowr bilood ah uu qilaaf kala dhexeeyay qaar ka mid ah xubnaha masjidka ka tirsan oo dalbaday in la cadeeyo halka uu maray dhaqaalaha Masjidka iyo jaaliyada soo galay.

Qilaafkaas ayaa keenay in madaxda jaaliyadu ay go’aan ku gaaraan in ay xiraan masjidka, iyadoo shalay salaadii jimcaha ay Muslimiintu ku tukadeen dibada Masjidka oo baraf ah. Muslimiinta ayaa aad uga carooday in masaajidka laga xirto cibaadada alle.

Madaxda jaaliyada ayaa boggooda internetka waxay ku qoreen warqad dheer oo si kulul loogu cambaareeyay xubnaha ay ku sheegeen in ay “fitno” abuureen. Waxay intaas ku dareen in dadkaas masjidka laga mamnuucay isla markaana masjidku uu xirnaan doono ilaa amar dambe.

Qilaafaadka u dhexeeya jaaliyadaha iyo masaajida ka dhisan xaafadaha Stockholm ayaa ah kuwo mudo soo socday, iyadoo horey ay isugu qilaafeen cidii maamuli lahayd masaajidyo laga dhisayo xaafadaha Rinkeby iyo Tensta.

Telefishinka SVT ayaa booqday goobta oo warbixin ka soo diyaariyay. Halkaan ka daawo ABC SVT

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. moha says:

    bal fiiri dadka aan muslimka ahayn marka ay arkaan dhaqankaan oo kale diinta ay soo galaan waaba adkaanaysaa waxaas maaha dhaqan islaam ilaahay halaga boqo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Mahir says:

    Aad Ayaan ugaxumahay in laxiro masaajidka waa arin lagaxumaado in arimo dhaqaale kusaabsan loo xiro masajidka iyo isqabqabsi kadhaxeeya muslimiinta dhexdooda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. abdalla says:

    asc dhamaaan uma muslimiinta ah oo afka an ku hadlaya ku hadasho waan idin wada salamayaa dhamaantin salaam ka dib waxaa nasiib xumo ah in lagu dhawaaaqo xerid masjid ama meel puplic service yaala ba , dhab ahaan waxaan aad uGu xumahay qilaafka soo kala dhax galay jaaliyada iyo gudiga masjidka ama cid weliba oo is qilaaftay, Intaas ka dib waxaa maalmahan batay qilaafaadka u dhaxeeya Somalida . Dabcan dadka tuhmaya in qarash uu mesha ka baxay ama rabo in ayh jaliyada ama madaxda ay la xisaabtamaan waxaan dhihi lahaa inta adan soo saaarina iclaaam ah in ad rabtaan in ad la xisaabtantaan maka fiirsateen wax yaalaha ka iman karo hadii aad madaxda u bandhigtaan la xisaabtan? mida kale waxa weliba wax baa ka daran dabcan qarash maqnaada waxa ka daran masjidka oo maalin xirnaada ,hadii ay madaxda wax is daba mariyaaan waa in laga fiirsadaa hadii aad la dagalantaan wax yaalaha gadal ka imaan kari taasi waa talo guud! Mida kale ani ahaan ra,yigaygu waxa uu yahay in aanan gabi ahaanba wax la weydiin hadii ay is bixinayaan o mamul ahaan, nadaafad ahaan ,soo dahweyn ahaan iyo wnaaagba ay wadan dhanka qarashka in aanan lala fara galinba.
    80% oo wax lagu qabtay dabcan dhib mmalaha hadii uu 20 % la booodo ama la daba mariyo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Cabdirisaaq says:

    Allaha hanuuniyo qofkii dhaqaale MASJID jeebkiisa in uu ku shubto rabo, ka waran haddii uu dhinto asagoo maal masjid xaq darro ku cunay? HALIS!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Ali says:

    masaajidkaan yaa gacanta ku haayo ma soomaalibaa mise waa dad kale, warkaan meeshaan ku qoran si fiican aniga uma fahmin, waxaan ka codsanaa jimcaale saaxiib soomaalida doorkeey ku eedahay masaajidkaan la xiray,
    waad mahadsantahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. hanna nalka says:

    asc dhaman dadka musliminta ah Wlh wan kaxumahay masjid dhan oo lagu cibadeysanayo cibadada alle in loxero qarash dardi Wlh wa arin cajib ah dadka xeray meyna udamqanen dadka barafka ku dukanayo oo aqiro ushaqeysanayo adunka walaga taga ee dadkeyna jidka qaldan ku socdo allaha hanuniyo uduceya in ilaah jidka tosan tuso dadkan qaldan Insha allh qerka Allaha tuso ok asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. safiya axmed says:

    waaba cawaan muslimiinta hada jiraa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. deeq says:

    warka si fican uma tafatirna
    e somalida maxey door ku leeyihiina
    maxeyse kala yihiin jaaliyada iyo maamulka masajidka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0