Xaafada Skärholmen ayaa laga dhisi doonaa Masjid cusub oo aad casri u ah. Masjidkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee 2 minaaradood leh oo Sweden laga dhiso. Masjidka ayaa la filayaa in lagu dhameeyo mudo 2 ilaa 3 sano ah kaasoo qaadi doona dadka gaaraya 1700 qof. "Waxa uu soo jiidan doonaa dad badan oo ku nool Iskandanefiya, ma jiro masjid kale oo labo minaaradood leh. waxa uu ilqabad u noqon donaa xarunta Skärholmen" ayuu yiri Syed Mansur oo ka tirsan Skärholmens islamiska kulturförening. Kala bar Masjidka ayaa lagu tukan doonaa halka inta kale loo isticmaali doono maqaaxiyo, jiim iyo goobo lagu kulmo. "Waa mashruuc is dhexgal, waa dhisme adeeg siin doona guud ahaan bulshada. Dhamaan muwaadiniinta waa u furanyahay, dhalinyarada iyo waayeelka" ayuu yiri Fikret Tümtürk oo ah agaasimaha Islamiska kulturföreningen. Masjidka ayaa laga dhisi doonaa irada hore ee goobta basaska laga raaco. Dhismaha ayaa sidoo kale yeelan doona dukaamo. Waxaa la filayaa in ay ku kacdo lacag gaareysa 50-100 milyan oo karoon, taasoo ay sheegeen maamulka in ay ka aruurin doonaan Muslimiinta Sweden iyo Yurub.

Masjidka cusub ee Skärholmen

Xaafada Skärholmen ayaa laga dhisi doonaa Masjid cusub oo aad casri u ah. Masjidkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee 2 minaaradood leh oo Sweden laga dhiso. Masjidka ayaa la filayaa in lagu dhameeyo mudo 2 ilaa 3 sano ah kaasoo qaadi doona dadka gaaraya 1700 qof.

“Waxa uu soo jiidan doonaa dad badan oo ku nool Iskandanefiya, ma jiro masjid kale oo labo minaaradood leh. waxa uu ilqabad u noqon donaa xarunta Skärholmen” ayuu yiri Syed Mansur oo ka tirsan Skärholmens islamiska kulturförening.

Kala bar Masjidka ayaa lagu tukan doonaa halka inta kale loo isticmaali doono maqaaxiyo, jiim iyo goobo lagu kulmo.

“Waa mashruuc is dhexgal, waa dhisme adeeg siin doona guud ahaan bulshada. Dhamaan muwaadiniinta waa u furanyahay, dhalinyarada iyo waayeelka” ayuu yiri Fikret Tümtürk oo ah agaasimaha Islamiska kulturföreningen.

Masjidka ayaa laga dhisi doonaa irada hore ee goobta basaska laga raaco. Dhismaha ayaa sidoo kale yeelan doona dukaamo.

Waxaa la filayaa in ay ku kacdo lacag gaareysa 50-100 milyan oo karoon, taasoo ay sheegeen maamulka in ay ka aruurin doonaan Muslimiinta Sweden iyo Yurub.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. Qaasin says:

    Masha allah waye masjidkas dhaman waxan fila in dadka muslimka ah so jiidan donto xafadas somalidana wa kaqeyb dadkas islamaka ah wa mahadsanyihin inta qeyb kaqadatay dhismaha masjidka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. dhool says:

    mansha allah aad baan ugu faraxsanahay masjidkaan ,
    waxaana jecelnahay hadaan nahay somalida ku dhaqan dalka swedan in aan gacan ka keysan doona insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ali says:

    mansha alah wax lagu farxo waye muslimta haka qeebqadan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. mahamed says:

    masha alaah aad baan uku farxay markaan arkay walalaha ka qayb hoow sha ku jiro waxa alaah uka baryaa inoow kuri uka dhiso janatul firdoosa sida aan uku farax nay alaah malinta qiyaamo ha harsiiyo carshika raxmaanka wabsaydka aadaan iidinka mahad celinaa sida qayrka nooku soo gudbinaysaan anakana waxaa aan owoodno waanka qayb qaada haynaa waad mahad santihiin alaah hangu guuleeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0