Masjidka Stockholm oo calaamada naziga lagu sawiray

Albaabada masjidka weyn ee Stockholm ayaa waxaa lagu sawiray calaamadaha nazismnaziyiinta. Qaasatan waxaa lagu buufiyay calaamadii xisbigii Hitler ee ka dhisnaa Germany. Ma ahan markii ugu horeysay ee weeraro loo geysto masaajidka balse waa markii ugu horeysya ee calaamad nuucaan ah lagu sawiro.

Maamulka Masjidka ayaa booliska ku wargaliyay dhacdada iyagoo baaritaan ku wada cidii ka dambaysay arintaan. Sanadkiii la soo dhaafay ayaa masaajida Muslimiinta waxay noqdeen bartilmaameed. Labo isbuuc ka hor ayay ahayd markii madax doofaar la soo dhigay irida masjidka Tröllhättan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. mohamed says:

    ilahay ha qabto dadka diinteena wax yeleen la jecel Ameen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. C/caziiz Baliile says:

    Asc
    Illaah baa wayn oo awood leh dad xaqa diida oo la dagaalama goor walba waa lahelaa, waxaa jira qolo aad ula dagaalama diidana in Masaajidyo laga taago Sweden oo la yiraahdo Svenskarnas parti,calaamadooduna waa khariidada Sweden oo masaajidyo laga buuxiyey, waxay masaajidyada ku dhajiyaan warqado ku qoran Nej till Moske´er i Sverige.
    Alle ha inaga qabto Aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0