Masjidka ugu weyn Sweden oo laga dhisi doono Linköping

9

Muslimiinta reer Linköping ayaa qorshaynaya in ay dhistaan masjidka ugu weyn ugana casrisan Sweden. Qorshaha masjidka ayaa bilowday sanadkii 2005 iyadoo hada ay Muslimiintu ku dhowyihiin in ay saxiixaan heshiiskii ay ku iibsan lahaayeen dhul weyn oo laga dhisi doono masjidka cusub.

Ururka masuulka ka ah qorsha masjidka oo lagu magacaabo Linköpings moskéstiftelse ayaa hada ku dhow in ay saxiixaan heshiiska lagu iibsanayo dhulka masjidka laga dhisi doono. Muslimiinta ayaa doonaya in ay dhulka ku iibsadaan heshiis ay lacagta ku bixinayaan marka dhismaha uu bilowdo. Masjidka ayaa la filayaa in ay ku kacdo lacag gaaraysa 20 milyan oo karoon ama ka badan iyadoo la filayo in uu qaato 5 sano dhamaystirkiisa.

Maamulka ayaa sheegay in Masjidka uu noqon doono midka ugu weyn Sweden, iyadoo laga dhigi doono mid casri ah oo aan Masjid keliya ahayn balse yeelan doona goobo lagu kulmo. Marka la saxiixo heshiiska dhulka ayaa waxaa bilaaban doona tartanka naqshada Masjidka.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here