Maxaa ka jira in Dowlada Somalia ay saxiixday in la soo celiyo Soomaalida Sweden?

12

Maalmihii la soo dhaafay waxaa la isla dhex marayay warar sheegaya in wasiir ka tirsan dowlada Somalia uu dhawaan booqasho ku yimid Sweden halkaasi oo uu heshiis kula saxiixday dowlada Sweden in Somalia ay qaabisho dadka qasabka looga musaafurinayo wadankaan, ka markii sharciga loo diiday.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Somalia Abdirahman Aynte uu heshiiska saxiixay. Inkastoo aan warkaan wali la xaqiijin, ayay haddana dhab tahay in dowlada Sweden ay arintaan ku haminaysay ilaa sanadkii hore. Isbuucii hore ayay ahayd markii wasiirka socdaalka Morgan Johansson iyo kan arimaha gudaha Sweden Anders Ygemen ay soo bandhigeen qorshe culus oo dadka lagu musaafuriyo, kaasoo qaasatan la soo carab-qaaday Somalia.

Qorshahaas ayaa waxaa ka mid ah in dadka sharciga loo diiday xabsi la dhigi doona, inta laga musaafurinayo iyo in wadamada lagu celiyo dadkaasi ay soo diri doonaan saraakiil qofkaan wehlin doona in dalkiisa lagu celiyo. Xitaa waxaa la sameyn doonaa shaqaale gaar ah oo ka shaqeeya safaaradaha Sweden ee ku yaala wadanka dadka lagu celiyo.

Haddaba si aan u xaqiijiyo in uu heshiiskaan dhabyahay ayaan waxaan fariin u diray xafiiska wasiirka Socdaalka Sweden, kaasoo aan wali jawaab ka sugayo. Wixii ku soo kordha dib ayaad kala socon doontaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here