Maxaa ka soo baxay shirkii ku saabsanaa mideynta qoysaska ee lagu qabtay Stockholm

8

Isbuucii hore waxaa magaalada Stockholm xaafada Husby lagu qabtay shir loogu magacdarey “Konferensen om shirkii-husbyfamiljeåterförening” oo looga hadlayay dhibaatooyinka haysta mideynta qoysaska soo galootiga. Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay hay’ada Röda Korset, Rädda Barnen, Sociala Missionen, UNHCR iyo kuwo  kale.

Ujeedada shirka ayaa ahayd in lagu soo bandhigo warbixino ku saabsan dhibaatooyinka haysta mideynta qoysaska soo galootiga iyo sida looga bixi karo. Waxaa goobta warbixino ku soo bandhigay hay’ada UNHCR iyo hay’ada kale. Waxaa kale oo looga hadlay xiriirka ka dhexeeya isdhexgalka iyo mideynta reeraha, iyadoo laga dooday in haddii aan la mideyn qoysaska aan lagu guuleysan karin isdhexgalka bulshada iyo horumarka.

Shirkada ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad fara badan oo ka kala yimid daafaha Sweden iyo Yurub. Waxaa ka soo qeyb galay mid ka mid ah xaakimyada maxkamada sare ee Yurub. Qabanqaabiyaasha shirka ayaa warbixintooda u qeybiyay dadkii ka soo qeyb galay shirka iyo madaxda oo xitaa waxay gaarsiiyeen raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt.

Waxaa kale oo goobta xaadir ku ahaa qaar ka mid ah saxaafada Sweden, iyagoo wareysiyo ka qaaday ka soo qeyb galayaasha iyo qabanqaabiyaasha shirka. Muhiimada shirkaan ayaa ahayd in la ogaado culeysyada hortaagan mideybta reeraha, oo warbaahinta iyo dadka muhiimka ah la gaarsiiyo. Waxaa la dhihi karaa midaas waa lagu guuleystay maadaama xitaa warbixintu ay gaadhay raysal wasaaraha Sweden.

Wixii faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan shirka iyo guud ahaan arimaha mideynta reeraha waxaad ka akhrisan kartaa boggaan..

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here