Maxaa ka taqaan meesha loo dalxiis tago Kolmården ee ugu weyn wadanka Sweden?

9

Kolmården waxeey ku taal bartamaha wadanka Sweden qaasatan Gobolka Östergötland inta u dhaxeysa Norrköping iyo Nyköping. Waxeey 22KM u jirtaa magaalada Norrköping waana meel aad iyo aad u qurux badan.

Maahan meel ku kooban wadanka Sweden oo kaliyah ee waxaa looga yimaadaa wadamada la isku yiraahdo Skandinavien. Waxaa laga helaa xawayaano kala duwan oo gaaraayo 740 xawayaan. kuwaas oo aan ka soo qaadan karno sida Gariga, Baciidka ,Cowsha, Goreyada iyo qaar kale oo badan oo aana halkaan ku soo koobi karin.

Waxaan booqasho gaaban ku tagnay 21 bishaan May aniga iyo qaar kale oo asxaabtayda ka mid ah, markii aan tagnay ayaa waxaa na soo jiitay bilicda meesha iyo sida loo habeeyay. Waxaan ku kulanay dad ka yimid wadamo kala duwan kuwaas oo noo sheegay in qaar aay ka yimaadeen wadanka Norway iyo qaar ka yimid wadanka Finland. dhamaan waxaan ku wada damaashaadnay muuqaalka qurxoon ee Kolmården.

Waa markii iigu horeysay ee aan tago Kolmården. waxaan ku soo arkay wax yaalo kala duwan oo aana is laheen waxaa laga helaa wadanka Sweden. waxaana ka mid ha markii aan arkay raxan Libaaxyo ah oo meel jiif jiifa, ayaay waxeey igu noqotay wax aan maleysan karin. balse markii aad weydiiso dadka ka shaqeeya meesha ayaay waxeey kuu sheegayaan in inta badan xawayaankaan laga keenay qaarada afrika.

Waxaad moodaa dad Uggaar waayay iyo dad kale in aay is heleen, taas oo aan ula jeedo markii aad joogto Somaliya waxaa arkee ugaarta wadankena oo duurka iska yaaceysa hadana waa la dishaa maalin walba hadana waa iska dhooban tahay marka nin walboow dadankaaga hormari iyo kan aad ku nooshahay.

by Siyaad Cabdi, Linköping
Siyaad114@live.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here