Maxaa kala haysta iskuulada iyo kaniisadaha?

3

Waxaa la gaaray waqtigii iskuulada la xiri jiray iyadoo iskuulo badan ay sameeyaan in xaflada xiritaanka ay ku qabtaan kaniisadaha. Arintaan ayaa dood dhalisay sanadihii la soo dhaafay iyadoo Waaxda Baaritaanka Iskuulada (Skolinspektionen) ay dacwooyin badan soo gaareen sanadkii la soo dhaafay. Dacwadaas waxaa ka mid ahaa iskuul ku yaala magaalada BÃ¥ros oo baadariga kaniisada lagu eedeeyay in uu ducooyin Kiristaan ah goobta xaflada ka sameeyay.

Waaxda baaritaanada Iskuulada ayaa go,aamisay in xaflada lagu qaban karo kaniisadaha balse ay mamnuuctahay in wax diin ku saabsan halkaas looga hadlo.

Idaacada Sverige oo wareysi ka qaatay dhowr ka mid ah ardada dhigata iskuul ku yaala magaalada Göteborg oo xafladii ku qabtay kaniisada ayay ardada Muslimiinta ahi sheegeen in aysan wax dhibaato ah u arkin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here