Maxaa kala haysta reer Muqdisho iyo qurbo joogta

19

Maalmihii la soo dhaafay waxaan booqasho ku joogaa magaalada Muqdisho, anigoo darsay xaalada magaalada iyo nolosha dadka ku nool iyo fikradhaa ku aadan qurbaha. Dadka Muqdisho ayaa u muuqda kuwo ku wareersan dhaqamada dadka qurbaha ka yimaada. Qurbo joogta oo Muqdisho loogu yeero Diaspora ayaa ah kuwo lala xiriiriyo dhaqaale, dhaqamo cusub, iyo in meelaha qaarkood ay ka yihiin VIP.

Wiilasha dhalinyarada reer Muqdisho ayaa qaasatan cabasho weyn ka qaba ragga ka yimaada qurbaha, iyagoo sheegay in ay tartan xoogan oo xagga gabdhaha kula jiraan, isla markaana odayaasha ka yimaada qurbaha ay si fudud ula wareegayaan gadbaha da’da yar, iyagoo ku shukaansanaya magaca qurbaha. Qofka qurbaha ka yimaada ayaa u muuqda mid qiimo gooni ah ka leh. Hadaba waa maxay sababaha ka dambeeya in dadka qurbaha sidaa loo qiimeeyo?

Markaan u kuur galay ayay ii soo bexeen dhowr arimood oo ay ugu horeyso, in wali uu buufis badan ku jiro qaar badan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaalida oo ku hami weyn in ay mar uun dibada taggaan. Tan labaad ayaa ah in dadka qurbaha ka yimaada ay been abuur badan u sheegaan dadka ku nool wadanka, tusaale ahaan dadka ka yimaada Sweden oo aan wada ognahay in qaar badan ay ku noolyihiin shaqo la’aan iyo cadaadiska cayrta ayaa marka ay wadanka ku soo laabtaan iska dhigga kuwo VIP ah oo aduunka oo dhan isku xiray. taasi ayaa sawir qaldan ka bixinaysa nolosha dhabta ah ee Soomaalida Sweden.

Si kastaba ha ahaatee, saameynta qurbo joogta ayaan ahayn mid xun oo keliya balse dadka qurbaha ka soo laabtay ayaa wadanka soo galiyay fikrado cusub oo waxtar u leh nolosha iyo horumarka dadka iyo dalka. Dadka qurbaha ka yimid ayaa wadanka ka aasaasay ganacsiyo cusub isla markaana qeyb weyn ka ah dib u dhiska dalka.

Maxay kula tahay adiga? Fikradaada ku darso…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here