Maxaa kala haysta Sacuudiga iyo Sweden!

17

Xiriirka u dhexeeya Sacuudiga iyo Sweden ayaa isbuucyadii la soo dhaafay aad u xumaaday ka dib markii ay wasiirka arimaha dibada Sweden Margot Wallström ay cambaareysay xaalada xuquuqda bani’aadamka ee ka jidha wadankaasi isla markaana ay ku tilmaamtay mid diktatoori ah oo ku shaqeeya dastuur qadiimi ah.

Dowlada Sacuudiga ayaa hadalkaas aad uga carootay iyagoo u diiday wasiirka arimaha dibada in ay ka hadasho kulankii jaamacada Carabta. Sweden ayaa diidmadaas ugu jawaabtay in ay ka bexeen heshiis milatari oo ay kula jireen Sacuudiga muddo 5 sano ah. Heshiiskaas ayaa Sacuudiga ay Sweden uga iibsanayeen hub iyo qalab kale oo ciidan.

Sacuudiga ayaa uga jawaabay in ay u yeertaan safiirkooda u fadhiyay Stockholm isla markaana ay joojiyaan dhamaan viisooyinka ganacsiga ee ay siinayeen ganacsatada Swedishka ah. Arintaas ayaa Swedishku aad uga xumaadeen maadaama Sacuudiga uu yahay wadan uu xiriir ganacsi oo balaaran kala dhexeeyo Sweden isla markaana shirkado badan ay ku qasaarayaan.

Sacuudiga intaas ugama harin Sweden, ee waxa uu abaabulay dhamaan wadamada carabta iyo Muslimiinta, isagoo ka dhaadhiciyay in wasiirka arimaha dibada Sweden ay aflagaadeysay shareecada Islaamka. Taasi ayaa keentay in ay guud ahaan wadamada Carabta iyo wadamo kale oo Muslim ah ay cambaareeyaan Sweden. Xitaa Imaaraatka Carabta ayaa u yeertay safiirkooda.

Sweden ayaa hada ka cabsi qabta in dadka Muslimiinta ah laga dhaadhiciyo in dowlada Sweden ay islaamka aflagaadeysay oo taasi ay keento mudaharaadyo iyo weeraro ka dhan ah Sweden. Quburada siyaasada ayaa ku tilmaamay ficilada Sacuudiga in ay yihiin mid ay ku isticmaalayaan awoodooda dhaqaale iyo diimeed, iyagoo doonaya in Sweden ay jilbaha dhulka u dhigaan. Dhinaca kale, waxay sheegeen in wasiirka arimaha dibada Sweden ay ku fududaatay arinta Sacuudiga oo aysan filayn in Sacuudigu ay si kulul uga jawaabayaan hadalkeeda. Xitaa boqorka Sweden oo sida caadiga ah ay mamnuuc ka tahay in uu soo fara galiyo arimaha siyaasada ayaa shaaciyay in uu dhexdhexaadinayo dowlada Sweden iyo boqortooyada Sacuudiga.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay dhacdo in Muslimiintu ka soo horjeestaan Sweden, iyagoo taageeraya Sacuudiga ayay taasi noqonaysaa mid lagu qaldamay maadaama arintaan ay tahay dano siyaadeed oo keliya, isla markaana aysan wax lug ah ku lahayn diinta. Cambaareynta Sweden ayaa ah mid ku wajahan dhaqamada Sacuudiga ee ka soo horjeeda xuquuqda bani’aadamka balse aysan ahayn weerar ka dhan ah Islaamka iyo Muslimiinta. Inkastoo la dhihi karo dowlada Sweden waa labo wajiile, maadaama ay hubka ka iibiyaan wadamo kale oo aan waxba dhaamin Sacuudiga isla markaana ku tunta xuquuqda bani’aadamka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here