Maxaa keenay in dabaqa saddexaad iska soo tuurto haweeyneeydii soomaaliyeed ee Noorweey?

7

Maalintii shalay aheyd ayaa waxaa xaafadda Grönland ee dalka Noorwaay dabaqa sadexaad iska soo tuurtay haweeneey soomaali ah oo xaaladeeda caafimaad aad u liidato luguna dabiibayo cisbitaalka Oslo.

Haddaba si aan u oggaano asbaabaha keenay in haweeneydani falkaasi sameeyso ayaan waxaanu helnay macluumaad kooban. Haweeneydan ayaa lugu magacaaba Seynab Cilmi Guuleed, waxaa sanadkii 2105-tii  bishii sibteember booliska dalkaasi ku fureen xabbado, ka dib markii haweeneydani ay mindi ku hubeeysneyd. Talaabadda  ay boolisku xabadaha ku fureen ayaa waxaa ay xilligaasi dhalisay dood qaabka ay booliska xabadda ugu fureen iyo mindida ay sida tahay nooca ay aheyd.

Dhinaca kale Seynab oo ah, hooyo leh saddex carruur ayaa la tilmaamaya in xannuun xagga maskaxda ah ay qabto, waloow ay ay beenisay hadana shalay ee ay dabaqa dheer iskaga soo tuurtay wuxuu sida cad ceeda oo kale u iftiimanaya in xaalad caafimaad darro xagga maskaxda ah ay qabto. Isla sanadkaasi ayaa Seynab waxaa ay xirneyd muddo kooban.
Shabadda Somaliska.com ayaa macluumaad intaas ka badan isku dayday ineey hesho mana jiraan waxrbixin intaas dhaafsiisan oo ay suuragal noo noqotay inaan helno. Haddiise Alla idmo wixii intaa ka badan ee soo kordha dib ayaan idiin kala soo socod siin doonaa.

Somaliska.com
Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here